Shirkii Jaaliyadda Xerada Ifo
Maanta oy tariikhdu tahay 1-2-2013ka ayay shir aad loo soo agaasimay isugu yimadeen xubnaha jaaliyada S/Ogadenia ee xerada qaxotiga Ifo. Shirkan oo ahaa mid ay xubnuhu aad u sugayeen waxaa furay xoghayaha faraca oo ku soo dhaweeyay sheekha jaaliyadda halkaasoo uu wacdi diini ah ka jeediyay.
Ka dib waxaa laguda galay qodobadii shirka maanta lagaga hadlayay oo ku saabsanaa lafaltanka gumaysiga, waxbarashada, kor u qadidada fahanka qadiyada iyo ka dhaadhicinta dunida, iyo qodoba kaloo muhiim ah. Dhamaan qodobadii shirka la horkeenay ayaa si fiican looga dooday loogana gaadhay go’aano dhaxagal ah.
Wuxuu ku soo gaba-gaboobay guul iyo himilo wacan.
Max’ed cabdi Wali/ONA
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.