Wuxuu shir aad u balaadhan oo in mudo ahba la sugayey ka furmay magaalada Edmonton ee dalka Canada kaasoo uu ka soo qayb galay Gudoomiye ku xigeenka jwxo mudane DR maxamed ismaaciil cumar.

Waxaa shirka xiriirinayey naftii hure Maxamed Aadan{abshir}, waxaana sidii caadad inoo ahayd shirka lagu furay ayaadaha quraanka kariimka oo uu soo jeediyey Sh Axmed dayib ilaahay hanagu anfaco.
Gudoomiyaha jaaliyada magaalada edmonton mudane Cumar Xirsi ayaa kasoo jeediyey halkaa khudbad aad u qiimo badan oo uu kula hadlaayey jaaliyada magaalada edmonton sidii ay u dardar gelin lahaayeen taageerada ay u hayaan halganka hubaysan ee ay JWXO hormuudka u tahay. Intaa ka dib, Waxaa lagu soo dhaweeyey isuduwaha jaaliyadaha canada halgamaa Yuusuf Ismaaciil oo si fiican uga war bixiyey jaaliyadaha canada iyo doorka wax ku oolka ah ee looga baahanyahay sidii ay kor ugu sii qaadi lahaayeen dadaalkooda ay mar walba ku jiraan wuxuuna u mahad celiyey dadweynihii soomaalida ogaadeeniya iyo soomaaliweynba ee sida fiican uga soo qayb galay shirkii maanta.

Waxaa hadalka qaatay aqoonyahan soomaaliyeed DR Cali Maxamed oo ka hadlay taariikhda soo jireenka ahayd ee Soomaalida iyo Itobiyia taas oo qofkastaa xusuusan karo wixii ina soo dhexmaray ayuu yidhi, suura galna ma aha in aynu maanta aqbalno wixii aynu boqolka sano diidnay waana in aynu maal iyo nafba u hurnaa sidii aynu xornimo u gaari lahayn.

Waxaa gabay aad u qiimo badan ka tiriyey halkaa abwaanka da’da yar ee ka soo jeeda soomaalida ogaadeeniya halgame maxamed axmed kaas oo kiciyey shucuurtii dadkii ka soo qayb galay shirka.

Waxaa makarfoonka lagu soo dhaweeyey g/xigeenka jabhada wadaniga xoreynta ogaadeeniya DR maxamed ismaaciil cumar waxaa is qabsaday sawaxan iyo mashxarad waayo waxay sugayeen waqti aad u dheer gudoomiyuhu wuxuu ka hadlay oo uu ku dheeraaday maanta meesha uu halganku marayo iyo marxaldihii kala duwanaa ee uu soo maray iyo waxa la inooga baahanyahay.

wuxuu yidhi itoobiya maanta way kala tagaysaa, maanta ayeyna ugu awood yar tahay hadaba Jabhada Wadniga Xoreynt Ogaadeeniya waa diyaar wayna ka faaiideysanayaa fursadan waxaana la idiinka baahanyahay in aad si weyn isu garab istaagtaan halgankiina sidii aad horeba u garab taagnaydeen idinkoo sii labanlaabya.

Waxaa gudoomiye ku xigeenka la waydiiyey su’aalo badan wuxuuna uga jawaabay si waafi ah oo ay ku qanceen dadweynihii ka soo qayb galay shirka,wuxuuna kula dardaarmay shacabweynii soomaaliyeed iyo soomalidii ogaadeeniyaba in ay gacmaha is qabsadaan oo ay meel uga soo wada jeestaan cadowga soo jireenka ah ee etoobiya halgankana si wada jir ah loo taageero.

prof  Xasan oo kamid aha aqoonyahanada S.Ogaadeeniya wuxuu soo bandhigay laba sawir oo cajiib ah oouu kaga hadlayey etoobiya iyo waxa ay ku sugantahay iyo khayaaliaga ay ku jirto oo wax aan jirin dadka ay ku maaweelinayso.

Xidhiidhiyaha guud ee jaaliyadaha alberta halgame cabdi c/laahi cabaas ayaa isaguna hadalkooban oo kula hadlaayey jaaliyadaha alberta soo jeediyey isagoo carabka ku dhuftay in uu halgankeenu yahay isku tashi ilaahayna talo saarano.
Gabagabadii shirkaasi wuxuu dhacay si heer sare ah wuxuuna ku dhamaaday jawi farxadeed.

ONA
C/raxmaan edmonton
CANADA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay