Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogaadeeniya gaar ahaan Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo xoogan oo ka dhacay deegaano kamid ah Dalka Ogaadeeniya.

Dagaaladaas ayaa waxay u dhaceen sidan;

17/01/2013 Deegaanka lagu magacaabo Habar-gaaro oo Dhagaxmadow udhaw dagaal ka dhacay waxaa askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 2 Askari waxaana lagaga dhaawacay 4 kale.

23/01/2013 Deegaanka Heebaan oo dhaxmadow u dhaw dagaal ka dhacay waxaa ciidamada gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 2 Askari waxaana lagaga dhaawacay 3 kale.

30/01/2013 Deegaanka  Qammuuda kamiin ay halkaasi ka xidheen cutub ka tirsan NH/CWXO ayaa waxaa soogalay askar gumaysi waxaana halkaasi lagaga dilay 20 Askari waxaana lagaga dhaawacay 25 kale.

12/01/2013 Laba-toglaha oo Ceelweyne katirsan  dagaal ka dhacay waxaa askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 4 Askari waxaana lagaga dhaawacay 5 kale.

29/01/2013 Fadhiweyne oo Haarcad ka tirsan dagaal halkaasi ka dhacay waxaa askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 4 Askari waxaana lagaga dhaawacay 7 kale.

01/02/2013 Deegaanka lagu magacaabo Garbodiimo oo Baabili udhow dagaal xoogan oo halkaasi dhacay  ayaa askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 6 Askari waxaana lagaga dhaawacay 8 askari.

02/02/2013 Dhababka oo Dhagaxmadow u dhow dagaal ka dhacay waxaa ciidamada gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 4 Askari waxaana lagaga dhaawacay 2 kale.

29/01/2013 Deegaanka  Lasimaley oo Gunagado udhaw waxaa lagu dhaawacay 3 askari oo kuwa gumaysiga Ethiopia ah.

Waxaa iyaguna jira dagaalo xoogan oo ka kala dhacay 28,17.26,23,29,31,deegaanada kala ah Geedi aar, Awsugulle iyo feedhacade oo Galaalshe udhow, Go’ahana-goldalaaq ,Fiiq, lajiidaale oo shilaabo udhow, ceelweyne,Geedo-harag  oo Godey katirsan, Awr-jira  oo Qabridahar katirsan,God-madoobe iyo Cowl kudhal oo Dhagaxbuur kawada tirsan kuwaasi oo cadowga khasaare balaadhan loogu gaystay.  

ONA.

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay