Gudoomiye ku xigeenka JWXO mudane Maxamed ismaaciil ayaa kulan waqti dheer qaatay la yeeshay hawlwadeenada jaaliyadaha Alberta iyagoo kawda hadleyay sidii loo horumarinlahaa halganka loona wacyi galin lahaa shacabka jaaliyadda Soomaalida ogaadeeniya ee ku dhaqan gobolkan iyo gobolada kale ee Canada, oy uga qayb qaadan lahaayeen jaaliyadda halganka gobanimadoon ee ay JWXO hormuudka u tahay.

Ugu horeyn gudoomiyaha jaaliyada magaalada Edmonton mudane Cumar Xirsi ayaa ka war bixiyey wax qabadka jaaliyada magaalada Edmonton isagoo ku dheeraaday  xidhiidhka ay jaaliyadu la leedahay dadweynaha S.Ogaadeeniya iyo shacbi weynaha Soomaaliyeedba kaasoo uu ku tilmaamay mid si dhab ah u shaqaynaya isla markaana loo baahanyahay in la sii laban laabo.

Ka dib, Isuduwaha jaaliyadaha Canada halgame Yuusuf ismaaciil  ayaa aad uga hadlay waxqabadka jaaliyadaha  Canada, baarnaamijyada u hirgalay iyo kan horyaala ee la doonayno in la fuliyo iyadoo la adeegsanayo waayo aragnimadii laga soo dhaxlay shaqooyinkii hore loo soo qabtay. Wuxuu carabka ku dhuftay in jaaliyadaha Canada  ay xoog galiyeen sidii uu u qabsoomi lahaa shirweynihii jaaliyadaha S.Ogadenya ee aduunka ee  ka dhacayey magaalada Toronto, kaasoo si heer sare ah ugu qabsoomay.

Xidhiidhiyaha jaaliyadaha Alberta C/laahi Cabdi Cabaas ayaa wuxuu soo jeediyey sidii ay abaabul hor leh u gali lahaayeen jaaliyadaha Alberta iyo sidii dhidbaha loogu aasi lahaa ururada bulshada sida ururka haweenka, dhalin yarada, culumaa’udiinta ,wax-garadka iyo aqoonyahanada S. Ogaadeeniya ee ku dhaqan gobolkan Alberta.
   
Ugu dambayntii Gudoomiye Ku-xigeenka wuxuu aad ugu mahad celiyey sida wanaagsan ee ururnimada ah ee ay xubnuhu uga soo wada qayb galeen shirkan iyo shaqada wanaagsan ee ay qabteen  intuu joogay  magaaladanEdmonton,  wuxuuna yidhi; ” tani  waxay cadayn u tahay u bislaanshaha ururnimada iyo gumaysi diidka”.

Gudoomiye ku xigeenku wuxuu kula dardaarmay hawl wadeenada ka hawl gala galbeedka Canada  in ay noqdaan ul iyo diirkeed iyagoo raacaya halkudhigeenii ahaa mintid,midnimo iyo isku tashi taas oo aad kaga guulaysanaysaan cid walba oo isku dayda in ay idin soo hujuumaan.

Kulan kaasina wuxuu ku dhamaaday guul iyo waji farxadeed oo aad ka dheehan karto wajiyada hawlwadeenada.

ONA/Jaaliyada,Edmonton
Canada.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay