10 February 2013 Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee Victoria ayaa qabsaday shirkoodi Bilaha ahaa. shirkan ayaa waxaa gudoominayay Gudomiyaha Jaaliyada Halgame Xikam Sheekh. Gudoomiyaha ayaa  ku mahad naqay dhamaan xubnaha shirka ka soqeyb galay kana warbixiyay waxqabadka Jaaliyada iyo halganka meeshuu marayo.
Waxaa halkaas wacdi Diini ah kasoo jeediyay Sheekh Fatxi  oo halkaas ku dhiiri galiyay Jaaliyada in bulshada lagu dhiiri galiyo lana xasuusiyo Cabsida Allaah markasta oo meel la isugu yimaadana sidan oo kale loo joogteeyo is xasuusinta Cabsida Allaah.
Waxaa kaloo shirka ka hadlay Halgame Hasan Qubi oo asaguna kasoojeediyay taariikh kooban halganka Ogadenia. Shirkan oo waxqabadka Arrimaha bulshada lagu soo bandhigay ayaa waxaa xiiso badan lahaa waxqavadkii Ururka Dhalinta OYSU Meblbourne. Gudomiyaha ururka Dhalinta sidoo kale waxay ka warbixisay qaabka OYSU melbourne uga qeyb gali doonaan shirka guud ee OYSU oo ka dhici doona wadanka USA.
Shirkan ayaa gabagabadiisi waxaa laguda galay cilmi isweydaarsi iyo fikrado lagu horumarinayo Halganka.
Jaaliyada Soomaalida ee Victoria ayaa waxeey ka midtahay Jaaliyaadka ugu firfircoon Pacifica, isla markaasna u taagan habeen iyo maalin horumarka halganka.
Guul iyo Gobanimo
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay