Shalay  oo  ay  taariikhdu  ahayd  09/02/2013  ayaa   xafiiska jaaliyada Sweden gaar ahaan  caasimada  Stockholm  waxaa  isugu  yimid dhamaan  xubnaha ururka OYSU, ururka haweenka  & Jaaliyada guud ee Sweden. Kulaankaas  oo  ahaa  mid  xamaasad  badan  ahmiyad  weeyna  lahaa ayaa abaarahii  01:00 pm duhurnimo ay xubnaha  meel  kuwada qadeeyeen, kadib abaarihii 03:00 pm galabnimo ayuu sitoos ah u furmay  shirkii.

Sidii  caadada inoo  ahayd  waxaa  ayaada quraana ku furay  Sh  Nuur  Ilkacase  kadibna  loo istaagay  heesta calanka.

 Shirka  oo  uu  daadihinayay halgame  Abdi Shukri Faliir ujeedada  shirkana  ay  ahayd doorasho  maamul  cusub OYSU-Sweden masuuliyiintii  3 sanee  soo socota  hogaamin  lahaa  ayaa codbaahiyaha  kusoo  dhaweeyay  xoghayihii  horee OYSU-Sweden halgame Amiin Barkhadle  si  uu  uga  warbixiyo  wax  qabadkii  OYSU-Sweden mudadii 3 sana ahayd  ee uu xilka soo hayay.

 Halgame  Amiin  ayaa  sifiican uga  warbixiyay  wax  qabadkii  ururka  dhalinyarada  OYSU-Sweden una  sheegay  bulshada  inuu xilka wareejinayo  oo  uu ururku  yeelanayo laga bilaabo maanta Xog-Haye cusub.

Maamulkii  horee  OYSU-Sweden ayaa shahaado sharafyo ku abaal mariyay  xubnihii  shaqa  wanaaga  sameeyay kadib waxaa codbaahiyaha la wareegay  gudigii doorashada ee soo dhisay maamulkii xilka la wareegi  lahaa.

Waxaa  si toosa  loomagacaabay  Xog-Hayaha  cusub  Marwa  Ayan  Mahdi  Baynax & team-keedii  la  shaqayn lahaa oo dhamaystiran.

 Doorashadadii  kadib  ayay  masuuliyiin  badan  oo madasha  shirka  joogtay  sida Gudoomiyihii  horee jaaliyada Sweden halgame Abdinasir  Gadhweeyne, hogaanka  xalinta qilaafaadka jaaliyada  Sweden  halgame Mustafe  Abdirahman (Ilbugle) & qaar kaloo badan ayla  dardaarmeen  maamulka  cusub  ee  mudada 3-da sana ah  hawadin  doona OYSU-Sweden.

 Waxaa  sidoo  kale  qudbad  dhaxal  gal  ah  usoo  jeediyay  gudoomiyaha  jaaliyada Sweden mudane Haybe oo  dhalinta  ku  booriyay  inay layimaadaan  wax qabad  taya  leh firfircooni  & dadaal  una  balan  qaaday  goor  walba & waqti  walba  inay  garab  taagnaanayaan hiil & hooba.

 Gabagabadii  shirka  ayaa  waxaa  soo  xidhay  halgame  xildhibaan  Riyaale  Xaamud  oo goob  joog ka ahaa shirka uguna  bishaareeyay xubnaha  guulaha  CWXO  ay  gaadheen  & dhamaan  jaaliyadaha  reer  Ogadenia ee  caalamka  ka dhisan,  sidoo  kale  waxuu ku   war galiyay  xubnaha  isku dayga  cadawga  & fashilaada  ku  timaada  hadiyo  goor sida  isku daygii  ugu  dambeeyay  ee ka dhacay dalka kenya laguna  afduubay  masuuliyiinta  JWXO.

 Xildhibaanka  oo soo jeediyay  qudbad  aad loogu diirsaday  meela  badana  taabanaysay ayaa  kor  u  qaaday moralka xubnaha una sheegay  xaqa & baadilku  kol walba  xaqa inuu sareeyo hawlaha  ay wadaana ay xaq yihiin loogana  baahan  yahay inay sii laba jibaaraan.

 Isku  soo  wada  duuduuboo  kulankii  doorashada  OYSU Sweden ee shalay  ka dhacay  xarunta jaalidaya Sweden ayaa waxuu  kusoo gabagaboobay  si  habsaimaya , rayn rayn & jawi farxadeed.

 

Ilwad Ali

ONA

Sweden

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay