Madaxa Hogaanka Arimaha Dibada ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya mudane Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi (Maadey) ayaa hawl la xidhiidha halganka ku jooda wadanka Koonfur Afrika. Masuulka socdaalkiisa ayaa ahaa kormeer iyo sare u qaadid hawla shaqeedka halganka ee ka socda wadanka Koonfur Afrika. 

Mudane Cabdiraxmaan Madey ayaa kulankiisi ugu horeeyay ku qabtay magaalada madaxda wadanka Koonfur Afrika ee Pretoria halkaasoo ay masuuliinta jaaliyada Koonfur Afrika iyo maamulka gobolka Gawtayn (Gauteng) ay kula kulmeen. Shirka ay maamulka jaaliyadda iyo HAD qaateen oo socday mudo saacado ah ayaa la isla meeldhigay umuuro muhiim ah kuwaas oo dhaxalgal u ah hab u socodka halganka ka socda wadanka Koonfur Afrika. Waxaa kale oo la wajahay sidii masuulku u dhamaystiri lahaa socdaalkiisa  oo ku wajahanaa sidii looga arinsan lahaa  hawlaha waawayn ee horyaala jaaliyada sida shirwaynaha jaaliyadaha S.Ogadenya oo ku aadan bishan xigta.

Shirkan ay yeesheen masuulkan sare ee JWXO iyo maamulka jaaliyada iyo Kawaadirta ayaa guul kusoo dhamaaday  waxaana maalinta bari ah oo ku beegan 11/02/13 uu masuulku shir ku qaban doonaa magaalada Johannesburg insha allah .

 

Kala soco faah faahonta warbaahinta Ogaden News Agency

ONA/GUMAYSIDIID 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay