Wafti uu hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka JWXO Dr. Mohahamed Ismail iyo Iskuduwaha Canada Deeyr ayaa caawa fidnimadii 9:08 PM ka soo dagay garonka diyaaradaha ee Magaalada Toronto dalka Canada.

Wafdiga waxaa soo dhaweeyey Madax sare iyo Jaaliyadda Ogadeniya ee gobalka Ontario Canada , dadkaas soo dhaweeyey G/xigeenka waxay hor taagnaayeen irida laga baxo ee garoonka waxayna lulaayeen Calanka saddexda midabka leh ee Ogadeniya.

Intii ay waftiga joogeen garoonka diyaaradaha waxaa hadal gaaban ka jeediyey Wakiilka Ontario Mahamed Tube iyo G/xigeenka Dr. Mohamed Ismail , kadibna wafdiga waxaa loo qaaday Hotelkii loogu talagaylay inta ay joogaan Toronto .
ONA Toronto

 


 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay