HAB ONLF oo siwayn maanta loogu soo dhaweeyay magaalada xarunta ganacsigaEe Johannesburg, wadanka Koonfur Afrika. Masuulkan ayaa maalmahan hawlo kormeer ah ku joogay wadanka Koonfur Afrika isagoo kulamo layeesha masuuliyiinta jaaliyada JOKA, oo uu siwaafi ah uga maqsuuday warbixinta jaaliyada isla markaana bogaadiyay hawlaha halganka ee jaaliyadu ay kawado wadanka Koonfur Afrika

Masuulka ayaa maanta lakulmay xubnaha gobolka gauteng (qawtayn) asagoo masuulku warbixin waafi ah kajeediyay shirkii ayuu ka warbixiyay halganaka taariikhiga ah ee uu kujiro shacabka soomaalida ogaadeeniya. Mudane MAADAY oo kamid ah aas-aasayaashi Ururka ONLF oo lagu aas aasay gudaha jamhuuriyada soomaaliya 15/08/1984 ayuu kawar bixiyay maraaxishii uu halganku soo karay

Masuulka ayaa xusay in halganaka soomaalida ogaadeeniya uu marayo marxalad cusub oo inbadan la higsanayay  taas oo uu kutilmaamay in lagu gaadhay idimka ALLE SWT. iyo adkaysiga shacabka Soomaalida Ogaadeeniya  waxaana xaqiijiyay Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya ee jiida hore kaas oo quusiyay  ciidamada daalan ee aan mooraalka lahayd ee kusugan ogaadeeniya.

Warbixin kadib waxaa masuulka lawaydiiyay su-aalo. kuwaas oo uu uga jawaabay si dhiiran oo geesinimo leh shirkan oo socday 4 saaacadood ayaa kusoo dhamaaday guul iyo rayn rayn. Masuulka aya alafilayaa inuu booqashadiisa siiwadan doono gudaha wadanka Koonfur Afrika IN SHAA ALLAH.

Kala soco wixii warar ah halkan.

GUMAYSIDIID/ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay