ONA (Talaado) 12 FEB 2013, War Deg Deg ah oo hadda naga soo gaadhay Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa naloogu sheegay in Saakay subaxnimadii hore dagaal xoogan oo ka dhacay Deegaanka lagu magacaabo SAGALO oo katirsan magaalada Qabridahar ee Xarunta Gobolka Qoraxahay halkaasoo lagaga gubay askarta gumaysiga Ethiopia laba Baabuur oo kuwa milatariga xambaara ah.

Dagaalkan oo ahaa weerar ay qaadeen Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya ayaa waxay ku bartilmaameed sanayeen kolonyo Gaadiid gumaysi ah waxaana  halkaasi lagu burburiyey kuna basbeelay Baabuurtaa iyo Askartii saarnayd, sidoo kale waxaa naloo xaqiijiyey in gaadiid kale oo lasocday kuwa lagubay uu isna halkaasi ka soo gaadhay khasaare xoogan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay