4 Muwaadin oo Ciidamada gumeysigu ku dileen deegaanka galaalshe
Ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa xasuuq wadareed ka wada Gudaha Ogadeniya. Hadaba dilalkii u danbeeyay ee gumeysigu ka geysto dhulka Ogadeniya waxaa kamid ah shacab ay ku laayeen Deegaanka Arooy oo Galaalshe u dhow. Dilakan ayaa dhacay taariikhdu markay aheyd 17/01/2013. Shacabkaas sida Xaqdarada ah lagu xasuuqay waxaa kamid ahaa Allaah ha u naxariiste
Daahir Boodhle
Sheekh Xuseen
Cabdiwali Qaas cali iyo
Axmed Sacdi Cumar
Ciidamada Gumeysiga Ethiopia ee dialalka ka geysta Ogadeniya ayaa abaal marin iyo dalacsiin ku muteysta xasuuq wadareedka ay u geystaan shacabka aan isdifaaci karin. Waxaana bilihii lasoo dhaafay dhulka ogadeniya Woyanuhu ku laayeen shacab aad u tiro badan.
ONA
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.