Afartameeyo askarta gumeysiga kamid ah oo lagu laayay deegaano kale gadisan oo kamid ah Ogadeniya
Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogaadeeniya gaar ahaan Xarutnta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo xoogan oo ka dhacay deegaano kamid ah Ogaadeeniya,Dagaaladaasi ayaa waxa ay udhaceen
10/02/2013 weerar ay NH/CWXO ku qaadeen fadhiisin ay ka samaysteen hawaarintu deegaanka Haar-dhagax oo Xamaro udhow ayaa la sheegayaa in ay halkaasi isaga carareen dabaqoodhigii waxayan CWXO halkaasi kaga furteen hub iyo saanad milatari oo farabadan
8/02/2013 Caleen-bardaale oo Qabridahar ka tirsan weerar qorshaysan oo ay ku qaadeen NH/CWXO fadhiisin ay askarta gumaysiga Ethiopia ku lahaayeen deegaankaasi ayaa askarta Ethiopia lagaga dilay 10 Askari waxaana lagaga dhaawacay 11 kale.
07/02/2013 Duleedka magaalada Qabridahar ee xarutna Gobolka Qoraxay dagaal ka dhacay waxaa ciidamada gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 5 Askari.
05/02/2013 Deegaanka Shan-faroodka oo magaalada Godey udhow weerar Xoogan oo lagu qaaday fadhiisin gumaysiga askartiisu ku lahayd deegaankaasi ayaa waxaa lagaga dilay 15 Askari waxaana lagaga dhaawcay 14 kale.
02/02/2013 Dooyo-u’eg oo Dhuxun katirsan dagaal ka dhacay waxaa ciidamda gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 3 Askari waxaana lagaga dhaawcay 4 kale.
02/02/2013 Deegaanka Labagoor-gudbka oo magaalada Fiiq u dhow waxaa askarta Ethiopia lagaga dilay 4 Askari.
25/01/2013 Deegaanka lagu magacaabo Oba oo Galaalshe ka tirsan dagaal halkaasi ku dhexmaray CWXO iyo kuwa gumaysiga Ethiopia ayaa waxaa askarta gumaysiga lagaga dilay 5 Askari.
ONA
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.