Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogaadeeniya gaar ahaan Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo xoogan oo ka dhacay deegaano kamid ah Dalka Ogaadeeniya.

Dagaaladaas ayaa waxay u dhaceen sidan;

13/02/2013 Ceel-caabi oo Qabridahar ka tirsan dagaal halkaasi ku dhex maray CWXO iyo Askarta gumaysiga Ethiopia ayaa waxaa ciidama Ethiopia lagaga dilay  5 Askari waxaana lagaga dhaawacay 4 kale

12/02/2013 Maygaag-weyne oo Fiiq udhow weerar  lagu qaaday Askar gumaysi oo halkaasi u timid howlgal ay dadka shacabka ah ku dhibaataynayeen ayaa waxaa lagaga dilay 11 Askari waxaana lagaga dhaawacay 19 kale

12/02/2013 weerar mir ah oo lagu qaaday askarta gumaysiga Ethiopia ee ku sugan magaalada Fiiq ayaa waxaa lagaga dilay 3 Askari waxaana lagaga dhaawacay 2 kale

09/02/2013 Gorayaale oo Dannood udhow waxaa Askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 1 Askari waxaana lagaga dhaawacay 2 kale

05/02/2013 Goora-libaax oo Fiiq udhow  dagaal xoogan oo halkaasi ka dhacay waxaa askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 7 Askari waxaana lagaga dhaawacay 9 kale

24/01/2013 Dagaal ka dhacay Deegaanka lagu magacaabo  Gol-dambas oo Gunagado udhow  waxaa Askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 6 Askari waxaana lagaga dhaawacay 4 kale

19/01/2013 Magaalada Gunagado ee gobolka Jarar weerar mir ah oo ku qaadeen NH/CWXO fadhiisin aya gumaysigu ku lahaayeen magaaladaasi ayaa waxaa askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 5 Askari.

Wararka ka imaanaya Magaalada Xarshin ee Gobolka Jigjiga ayaa sheegaya kadib markii ay Ciidamaga dabaqoodhiga hawaarintu ku dileen  06/02/2013 Deegaanka   Faarax liibaan oo ka tirsan Dagmada Xarshin, nin darawal ahaa oo lugu magacaabi jiray Maxamed Qowdhan Cabdi uu khilaaf xoogan soo kala dhex galay wakiiladii gumaysiga u joogay Magaalada Xarshin iyo Askarta gumaysiga Ethiopia. Murankan oo mudo 6 casho ah soo jiitamayey ayaa ahaa in la keeno ninkii dabaqoodhiga ahaa ee dilay darawalka arintaas oo la isku af garan waayey, waxaana ugu dambayntii ay noqotay inay  halkaasi kabax sadeen wakiilada gumaysiga u joogay magaalada Xarshin uu ka mid yahay Gudoomiye ku sheegii Dagmada Xarshin Xirsi Cabdulaahi iyo waxaay ugu yeedhaan hoggaanka nabadgalyada Dagmada Xarshin, waxaana lasheegayaa in ay u baxsadeen dhinaca Soomaaliya gaar ahaan magaalada Hargaysa.

Ma ahan markii ugu horaysan ee ay askarta gumaysiga Ethiopia iyo  dabaqoodhiga hawaarintu dilal ka gaystaan deegaanada hoosyimaada Dagmada Xarshin waxayna Bishii September ee sanadkii 2012kii ku dileen Askarta gumaysigu deegaanka lagu magacaabo Cilmi Xirsi 12 qof oo shacab ah kuwaasi oo mid kamid ah ay ahady Dumar.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay