Ururka Haweenka Somalida Ogadeniya ee Koonfur Africa ayaa isugu yimid kulan muhiima  oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Haweenka & Hooyooyinka  Somalida Ogadeniya ee Koonfur Africa.

Kulankan oo ka dhacay  magaalada  Port Elizabeth ee Xarunta  Gobolka Eastern  Cape  gaarahaan xaafada Uitenhage  ee ay Somalidu ku badan tahay ayaa ahaa  kulan looga hadlaayay Qadiyada Somalida Ogadeniya & Sidii loosii xoojin lahaa kaalinta uu  Ururka Haweenku kaga jirro  halganka ay Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadeniya (ONLF) hogaaminayso  , Abaabulka bulshada & doorka uu kuleeyahay Ururka Haweenku Qadiyada Ogadeniya

Kulankan oo uu soo qaban qaa biyay Ururka Haweenka & Hooyooyinka Somalida Ogadeniya ee South Africa ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan Xubnaha  Ururka Haweenak ee ka hawlgala nawaaxiga magaalada Port Elizabeth (PE) & Masuuliyiin  ka socday  maamulka Jaaliyada Ogadeniya ee South Africa & Marti sharaf kale

Waxaa Kulanka furay  Faadumo Daahir oo ah Xubin ka tirsan  Ururka Haweenka waxayna kusoo dhawaysay Codbaahiyaha Halgame  Daahir Axmed (Cadde) oo ah masuul ka mida  masuuliyiinta Jaaliyada Ogadeniya ee (JOKA) wuxuuna goobta uu Kulanku ka dhacay ka soo Jeediyay  warbixin aad u dherayd  oo meelo badan taabanaysay.

Waxaa kale oo  madasha ka hadlay Masuuliyiin kale & Xubno farabadan oo dhamaan tood  siwaafaya uga dooday Fikirkooda islamarkaana isla qaatay dhamaan qodobadii Kulanka looga hadlaayay Xubnihii Kulanka isugu yimid oo ay wajiyadooda ka muuqatay qiiro & shucuur wadaniyadeed ayaa  waxaa  Hooyooyinka hadala dooda ka mid ahaa

( waxaa Halganka  Dhisay Hooyooyin  hadana waxaa wada Hooyooyin  waana  sii wadi doonaa intaan Xoriyada Ogadeniya  gaadhayno waxaanuna diyaar unahay inaanu  Qadiyada Ogadeniya  Caalamka Gaadhsiino hadaanahay Hooyooyinka Somalida Ogadeniya waanu ka xunahay  Xasuuqa & gumaadka laguhayo shacabkanaga)

Ma aha markii ugu horaysay ee uu Ururka Haweenka & Hooyooyinku Kulan noocanookale ah isugu yimaado iyaga oo ku muujinaaya dareenkooda ay ku diidan yihiin ama ay kaga soo horjeedaan Gumeysiga Itoobiya.

 

Xayi Yare/ONA

Port Elizabeth/South Africa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay