AM. 17-02-2013, Gudoomiye ku xigeenka jabhadda wadaniga xoraynta Ogaadeeniya Dr.Maxamed Ismaaciil Cumar oo iminka ku sugan magaaladda Toronto ee dalka Canada ayaa shir aad u balaaran la yeeshay guud ahaan Jaaliyadda S/Ogaadeeniya ee G/Ontario ee dalka Canada.

Ujeedada shirku waxay ahayd abaabul iyo kor u qaadid ku wajahan halganka hubaysan ee JWXO hogaaminayso sidii kor loogu qaadi lahaa iyo warbixino guud oo ku saabsan isbadalka siyaasadeed ee mandaqadda geeska Africa.

Waxaa shirka ka soo qayb-galay qaybaha bulshada ee jaaliydda S/Ogadeeniya ee magaalo waynta Toronto iyo deegaanada soo raaca,waxaa laga yimid magaalooyinka Kitchener,Hamilton iyo Windsor oo dhamaan ka tirsan G/Ontario ee dalka Canada oo hoy u ah dad farabadan oo ka soo jeeda dalka S/Ogaadeeniya.

Waxaa shirka daah-fur looga dhigay qur’aanka kariimka iyo cashir diini ah oo uu soo jeediyay sheekha C/shaashfi Macalin oo ka mid ah jaaliydda s/ogaadeeniya ee G/Ontario,waxuu sheekhu aad uugu dheeraaday sida halkgank hubaysan ee gumaysi diidka ah waajib uugu yahay ruux walba oo kamid ah bulshada, waxuuna ka sheekeeyay waxa diinta islaamku ka qabto gumaysiga iyo sida loogu baahan-yahay in aan iska tuurno reeryada gumaysiga ee dadkeena iyo dalkeena saaran.

Dabadeedna waxaa loo istaagay heeska astaanta qaranka s/ogaadeeniya oo ka imanayay cod-baahiyayaal madasha shirka lagu xiray,xiligii lagu jiray qaadida heeska astaanka qaranka waxaa iimuuqanayay dareenka dadka ee ah sida ay u diideen reer-yada gumaysiga iyo masayrkooda siyaasadeed oo ah Ogaadeeniya oo ka xorowda gumaysiga.

Gudoomiyaha jaaliyadda S/Ogaadeeniya ee G/Ontario Maxamed Qamaan “Tube” ayaa soo dhawayn guud ee waftiga Jwxo ka dib aad uuga war-bixiyay wax qabadka jaaliyadda iyo dareenkooda guud ee ku wajahan dalka iyo dadka s/ogaadeeniya ee gumaysi diidka ah,Tube waxuu aad uugu dheeraaday wax qabadka jaaliyadda ee halganka iyo sida ay u doonayaan in ay arkaan Ogaadeeniya oo xor ah,waxuuna markale ka codsaday jaaliyadda in ay sii wadaan rabitaankooda xoriyadadeed iyo gargaarka ay siiyaan halganka hubaysan ee jwxo hogaaminayso,waxuuna sii daba dhigay in ay ka go’antahay reer Ontario ka qayb-qaadashada halganka hubaysan ee lagu doonayo in ay Ogaadeeniya xoriyad buuxda uuga qaadato gumaysiga Ethiopia.

Xasan-Calanside oo ah xoghayaha ururka dhalinyarada iyo ardayda S/Ogaadeeniya OYSU ee magaalda Kitchener ayaa ka hadlay wax qabadka uruka OYSU iyo halka ay kagajiraan abaabulka iyo kicinta jaaliyadda gobolka,waxuun ku dheeraaday dareenka dhalinyarada s/Ogadeeniya ee guud ahaan dalka Canada gaar ahaana G/Ontario sida ay u dareemayaan dhibaatada dhaqaale siyaasadeed iyo arimo bulsho ee dalkooda Ogaadeniya iminka ku sugan yahay,waxuuna Xasan Calan-side sheegay qorshahooda siyaasadeed ee ku wajahan sidii dhibaatada gumaysiga Ethiopia ku hayo shacabka s/ogaadeeniya loo gaarsiin lahaa jaamicadaha,macadyada wax barashada iyo guud ahaan siyaasinyiinta iyo bushada dalka Canada,waxuuna mudane Calan-side goobta ka tiriyay gabay aad loo jeclaystay oo ku wajahan dhibaatada gumaysiga ee dalka s/ogaadeeniya.

Prof.Maxamed Xasan oo kamid ah aqoonyahanka s/ogaadeeniya ee dalka Canada ayaa aad uuga hadlay doorka aqoon-yahanka ee halkganka hubaysan ee Jwxo hogaaminayso,waxuu aad u qeexay macnaha gumaysiga iyo rabitaanka shacabka oo gumaysiga diidan,waxaa kale oo aad uuga sheekeeyay xod-xodashada gumaysiga ee u jeedadiisu tahay in la qaato
gumaysiga,tusaale ahaan ayuu dhawr jeer u soo qaatay kuwii qaatay gumaysiga meeqaanka ay maanta kaga jiraan Ethiopia inteeda kale oo uu ku tillmaamay in ay yihiin kuwo laga gaaray dantii uu gumaysigu kalahaa,Prof.Maxamed Xassan waxuu yiri cidina ma joojin karto dad doonaya in ay iska tuuraan reer yada gumaysiga waxuuna tusaale ahaan u soo qaaday Koonfurta Sudan iyo dalka Eriteria oo maanta xor ah.

Isu duwaha jaaliyadaha S/Ogaadeeniya ee dalka Canada Yusuf Ismaaciil Xaaji ayaa u mahad-celiyay guud ahaan jaaliyadda s/ogaadeeniya ee G/Ontario sidii wanaagsanayd ee ay u marti galiyeen waftiga uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka jabhadda wadaniga xoraynta Ogaadeeniya Dr.Maxamed Ismaaciil Cumar oo uu isaguba ka mid yahay,waxuuna aad uuga sheekeeyay wax qabadka jaaliyadaha s/ogaadeeniya ee guud ahaan dalka Canada uu oo sheegay in ay meel wanaagsan kaga jiraan halganka gobanimo doonka ah,waxuuna balan qaaday in uu sii kordhayo dareenka shacabka oo ah in ay diideen gumaysiga oo ay doonayaan xoriyad buuxda oo ay gumaysiga ka qaataan,dabadeedna waxuu war-baahiyaha ku soo dhaweeyay gudoomiye ku xigeenka jabhadda wadaniga xoraynta ogaadeeniya Dr.Maxamed Ismaaciil Cumar.

Sacab iyo sawaxan aad u balaaran oo soo dhawayn ah kadib,gudoomiye ku xigeenka jwxo waxuu aad uug mahad-celiyay jaaliyadda s/ogaadeeniya ee G/Ontario sidii wanaagsanayd ee ay isaga iyo waftigiisaba ugu soo dhaweeyeen magaalda Toronto iyo sida ay shirka uuga soo qayb-galeen iyada oo ay hawada magaalada Toronto iyo deegaanda la xiriiraaba ahayd mid gabi ahaanba baraf qariyay.

Waxuu ka hadlay u jeedada socdaalkiisa ee uu ku kala bixiyay gobolo ka mid ah guud ahaan waqooyiga America oo uu ku tilmaamay kor u qaadida dareenka shacabka iyo isbadalka siyaasadeed ee mandaqadda geeska Afirca,taas uu uu sheegay in madaxda jwxo safaro ku kala bixisay dalka ay ku nool yihiin jaaliyada s/ogaadeeniya ee daafaha dunida,waxaa isbadal ku yimid guud ahaan siyaasadda dalalka mandaqadda geesak Africa oo aan ka mid nahay dano badanina inooga xiran yihiin,waxuuna carabka ku dhuftay geeridii hogaamiyahii gumaysiga Ethiopia,Isbadalka siyaasadeed ee dalka Somalia iyo kuwo kale.

Gudoomiye kuxigeenka jwxo waxuu aad uugu dheeraday doorka siyaasadeed ee gumaysiga Ethiopia ee geeska Africa oo uu ku tilamamay mid dhibaato ku ah guud ahaan bulshada mandaqadda geeska Africa iyo tan qawmiyadaha kala duwan ee dalka Ethiopia,waxuuna tusaale u soo qaatay galitaankii ciidamada Ethiopia ee dalka Somalia ee sanadkii 2006 oo ay xasuuq
ba’an ka gaysteen koonfurta Somalia iyo guud ahaan fara-galinta joogtada ah ay maalin walba ku hayaan dalka Somalia iyo dalalka dariska ah,waxuu guul ku tilmaamay isbadalka siyaasadeed ee Somalia oo uu sheegay in uu yahay rajo wanaagsan oo guud ahaan Soomaalida u soo hoyatay,taasi uu macnaheedu yahay in dalka Somalia ka baxay xiligii kumeel-gaarka oo ay Somalia danahdeeda u gaar tahay.

Gudoomiye ku xigeenka jwxo waxuu aad uuga hadlay doorka siyaaseed ee jaaliyadaha dibadda iyo qurb-jooga s/ogaadeeniya ee halgankan gobanimo doonka ah waxuuna tusaale ahaan u soo qaatay in ay maanta la socdaan xaaldda dhabta ah ee ka jirta gudaha Ogaadeeniya dhamaan hay’daha ay khusayso iyo dalalka reer galbeedkuba waxuuna taas ku amaanay jaaliyadaha s/ogaadeeniya ee qurba-jooga ah,waxuuna codsay in la sii kordhiyo ka hortaga tabaha gumaysiga oo ah in ay joojiyaan halganka hubaysan ee aan gobanimada ku doonayno.

Mar uu ka hadlayay dhinaca hawlgalada military ee gudhah Ogaadeeniya ayaa gudoomiye ku xigeenka Jwxo ku tilmaamay mid ay maanta ONLF leedahay ciidan mug-wayn oo ka dhisan xaga moraalka tabaha militariga saanada iyo agabka ciidan intaba,waxay darsin goobaha dagaalka ku siiyaan ayuu sii daba dhigay gumaysiga iyo kuwa uu iska soo hormaryo,runtii ayuu yiri ciidanka gumaysigu waxay difaac kaga jiraan magaalooyinka waawayn, jwxo waxay gaartay wakhti ay xaga ciidanka iyo militarigaba isaga filaatay.

Shirkan ayaa ahaa mid ay dadkii ka soo qayb-galay aad u soo dhaweeyeen waxayna ka soo qayb-galayaahu noo sheegeen in ay wax badan ka ogaadeen gaar ahan siyaasada mandaqadda geeska Africa iyo tabaha gumaysiga Ethiopia ee ku wajahan qurb-joogta iyo jaaliyadaha dibadda,mar aan wax ka waydiinaya sida ay uuga qayb qaadan karaan halganka hubaysan ee lagu xoraynay ogaadeeniya ayay noo sheegeen in ay naf iyo maalba u hurayaan xoraynta Ogaadeeniya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay