Wararka naga soo gaadhaya Xarutna Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo ka dhacay deegaano kamid ah Dalka Ogaadeeniya ee ay Ethiopia gumaysato , Dagaaladaasi ayaa udhacay:

16/02/2013 Baraajitaale oo Caado  katirsan waxaa lagu dilay hal askari oo kuwa gumaysiga Ethiopia ah .

15/02/2013 Deegaanka lagu magacaabo Bali-howle oo Godey udhow weerar ay ku qaadeen cutub katirsan NH/CWXO askar gumaysi oo deegaankaasi u joogtay inay ka soo qabqabtaan dad shacab ah ayaa waxaa ciidmada gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 11 Askari waxaana lagaga dhaawacay 10 kale.

11/02/2013 Hora-khaliifo oo Qabribayax udhow dagaal halkaasi ku dhex maray NH/CWXO iyo kuwa gumaysiga Ethiopia ayaa waxaa askarta gumaysiga lagaga dilay 2 Askari waxaana lagaga dhaawacay 5 kale.

02/02/2013 Deegaanka lagu magacaabo karinka-kaaba oo katiran magaalada Jigjiga dagaal xoogan oo halkaasi ka dhacay waxaa askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay  5 Askari waxaana lagaga dhaawacay 7 kale.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay