Siminaarkan oo furmay 04 Feb 2013 lana soo gaba gabeeyey 19kii Bishani Ayaa loo fidinayay arday farabadan , waxaana diirada lagu saarayey qeybaha kala duwan ee warbaahinta,xeerarka iyo anshaxa saxaafada, waxaana sigaar aheeneed loogu baranayey Duubista Filimada.

Waxaa sidoo kale Siminaarkan lagaga dooday heerarkii iyo marxaladihii kala gadisnaa ee warbaahinta jabhadu soo martay iyo meesha ay joogto xilligan. Siminaarkan ayaa waxaa bixinayey Ku-xigeenka Hoggaanka Warfaafinta JWXO Mudane Maxamed Shariif Curam iyo Macalimiin kale.

Ku-xigeenka Hoggaanka warfaafinta JWXO oo u waramayey wakaalada wararka Ogaadeenia (ONA) ayaa yidhi “waxaan rajaynaynaa in Aradaydii loo soo xidhay siminaarka ay wax badan kala qaban doonaan howlaha warbaahineed ee ururka saaxiibadooda warbaahinta Halganka”.

Hay’ada warbaahinta ururka ayaa mar walba bixisa siminaaro iyo casharo kor loogu qaadayo tayada iyo wacyiga howlwadeenada warbaahinta ururka,waxayna siminaaro ugu qabataa hawl wadeenada gudaha Ogaadeeniya iyo dibadaba.
Siminaarkan qabashadiisa ayaa waxaa gacan wayn ka gaysatay Qaybta Gorgor ee CWXO,iyaga oo suurta galiyey qabsoonkii siminaarka oo socday mudo 15 casho ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay