Waxaa shirkoodii billaha ahaa isugu yimid jaliyada Riyaadh shirkasoo ay ka soo qaybgaleen dadwaynaha dagan nawaaxiga  caasimada dalka Sacuudiga oo si aan  caadi ahayn uga soo qaybgalay shirka.

Gudoomiyaha Jaliyada mudane Guuled Wali Jaanyar ayaa foray shirka, ka dibna sidii   caadada ahayd  waxaa laga akhriyay madasha shirka ayadaha quraan ka kariimka ah sheikh Axmad Maxamed Cali oo halkaa kasoo jeediyay muxaadiro diiniya oo ku  saabsanayd halganka uu ku jiro shacabka S.Ogadenia wuxuuna sheikha faahfaahiyay    sida uu xaqa u yahay halgan, waxaana dadkii maqlayay muxarada diiniga ah wajigooda ka muuqatay shucuur  add u sareysa.

Muxaarada diiniga ah ka dib, waxaa lagu soo dhaweeyay naftiihure Maxamuud Maxamed Cabdi oo jaliyadda aad ugu booriyay inay ka mid yihiin maanta xooga iyo maskaxda dalka iyo dadka oo waajib uu ku yahay qof walba oo wadankaas u nasab  sheegta inuu halganka ka socda Ogadenya inuu ku dadaalo sidii naf iyo maalba loogu hurilahaa. Wuxuu kaloo u sheegay xubnaha ka soo qaybgalay shirka inuu halganka yahay abkasoo gaadh uu jiilba-jiil ku reebay, isagoo intaa raaciyay in jiilka maanta   soo gadhay  uu yahay jiil nasiib  badan, sababtoo ah waxaa la hayaa wadadii saxda ahayd ee lagu gaadhi lahaa guusha gobanimada.

Waxaa kaloo shirka ka hadlay xubna ka mid ah jaaliyada, waxaana bulshada shirka timid si aada looga digay shirqoolada uu  gumasigu  qorba-joogta u soo safriyay, ka dib markuu ku fashilmay gudaha inkastoo uu xasuuq iyo xadgudub badan u gaystay dadka shacabka ah een waxba galabsan.

Waxay dadkii ka soo qaybgalay shirka isku raaceen inay meel uga soo wada jeedsanayaan wax  kasta oo xojinaya midnimada oy ishor-taagayaan waxii wax u dhimaya bulshada, diyaarna u yihiin siday u fashilin lahaayeen gumaysi  kal-kaalka   iyo ujeeda kasta oy wataan.

Ugu dabayntii , waxaa shirka uu ku dhamaaday guul, waxaana lagu gudoonsaday ujeedooyinkii loo qabtay shirka.



Riyah/ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay