War aan ka helnay goor dhaweyd Xarunta Dhexe ee CWXO waxay noo sheegen in ay ciidamadii cadowga ee ku jiray xeryaha ciidanka uu ku lahaa deegaanada DIG iyo degmada cusub ee yoocaale uu si kadis ah oo didmo oo kale ah oga guuray ka dib markii uu dareemay culays ay soo saareen Ciidanka Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya. Dhamaan xeryaha ciidanka cadowga ayaa hadda walwal xoogan uu la soo darsay weerarkii lagu qabtay xerada Galaalshe ka dib.

Wararka hoose ee sirdoonka Hogaanka Gaashaandhiga uu helayo ayaa waxay ka xogwaramayaan walwalka haysta ciidamada cadawga iyo maxaysatada la socota iyagoo filanaya inuu ku soo maqanyahay weerar xoogan oo kadis ah ka dib markii ay arkeen xoogga CWXO.

Xeryaha Deg iyo Yoocaale ayay dagdag uga baxeen iyadoo uusan ka dhicin wax dagaal ah, mana aha markii ugu horeysay ee cadawga uu ka cararo xeryaha uu ka dagan yahay dalka gaar ahaan marka uu dareemo ama lagu wargaliyo inuu weerar xoogan ku soo maqanyahay.
ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay