Kulan aad  u balaadhan  oo ay soo agaasintay jaaliyada Ogadeniya ee Sweden iyo qeybaha bulshada sida ururka haweenka &  OYSU-Sweden ayaa  ka dhacay  magaala  madaxda Stockholm ee dalka Sweden.

Shirka oo  ahaa mid mudo  lagasoo  shaqaynayay sifiicana loosoo  agaasimay  ayaa  ugu  horayntiiba  waxaa furtay  halganto  Sharezad  Faisal Gas oo  daadihinaysay shirka.

Waxay  bulshada  u sheegtay  ujeedada shirka  & ahmiyada  uu xambaarsan yahay.

Kulanku  waxuu  isugu  jiray  bandhig  faneed cayaaraha hidaha & dhaqanka ay ururka OYSU-Sweden kusoo bandhigayeen &  marti sharaf kasooqeybgashay oo kamid ahaayeen suxufiyiintii reer Sweden Martin & Johan oo warbixino  kooban  ka bixinayay xaalada Ogadenia.

Sharezad  ayaa codbaahiyaha kusoo dhaweeysay halgame Amiin Barkhadle asagoo si qota dheer uga warbixiyay taariikhda Ogadenia.

Kadib  Halganto Cibaado M Taribi ayaa kasoo jeedisay gabay qiima badan. Sidoo  kale  waxaa madasha  shirka  joogay  Xildhibaan Riyaale Xaamud oo asagana kaalin  aad  muhiim u ahayd ka hadlay, asagoo diirada saaray marxalada xunee gumaysi  ee Ogadenia  ku jirto, Xildhibaanka  oo hadalkiisa sii wata ayaa ka warbixiyay sida arxan darada ah & cadaalad darada ay ula dhaqmeen ciidamada gumaysiga xiligii uula shaqaynayay ee uu ka ahaa xildhiban ka tirsanaa dawlada Ethiopia, waxuu carabka ku adkeeyay xukuumada Ethiopia inaysan waligeed cadaalad noqonayn nololna aysan u ogolaanayn shacabka Ogadenia sidaa darteed dagaal gobanima doon inaan sinaba lagu huraynin ee haloo kaco dalka dhamaan bulshooy, intaasi waa hadalkii xildhibaanka oo aynu soo koobnay.

Waxaa codbaahiyaha lagusoo dhaweeyay suxufiyiintii  oo ahaa kuwo warkooda aad loo xiisaynayay.

 Buug Suxufiyiinta Sweden ay ka qoreen Ogadeniya

Ugu horaynba suxufiyiinta  waxay  ka afeefteen inay war bixin kooban bixinayaan  isla mar ahaantaana su’aalo kooban la weeydiiyo, maadaama bay dhaheen aanu buug ka qornay  xaalada Ogadenia si qota dheer oo walibana faahfaahsan ma doonayno inaan buugii ka hor dhacno, balse anagoo tix galinayna shacabka dulman ee raba inay wax ka ogaadaan dhulkoodii hooyo warbixin in aad ku qanacdaan waanu idin siinaynaa.

Su’aalahii  la weeydiinayay waxaa ka mid ahaa sida loola dhaqmay kolkii ay Ethiopia tageen?

Ciidamada  jidh dilka u gaystay ma milataryga Itobiya ayay ahaayeen mise kuwa liyu bolis?

Waxay  sheegeen  inay dhibaato fara  badan la kulmeen aadna loogu jidh dilay, waxay  sheegeen dhibaatada ugu badan & jidh dilka kuwa u gaysanayay inay ahaayeen liyu bolis, inay intay dhulka jiifiyeen ayku tunteen sidoo kale inay filim beena ay ku dul jileen iyagoo iska dhigaya inay ONLF & liyu bolis dagaalamayaan, qaarbaa intay isdaadiyaan iska dhigayay mayd dhintay.

Warbixinadaas  oo faahfaahsan & kuwo kaloo badanba waxaan kusoo bandhigi doonaa buuganaga soo bixi doona sumerka.

Su’aal kale ayaa waxay ahayd waxa ay hada damacsan yihiin maadaama xaalada cakiran ee Ogadenia caalamkana loodiiday inay arkaan ay ayaga nasiib u yeesheen inay wax ka ogaadaan?

Waxay ku jawaabeen  waxaanu ku han weeynahay inaan dareenkanaga oo dhan aynu siino Ogadenia, soona bandhigno dhibaatada ay Ethiopia ku hayso Ogadenia.

Sidoo kale waxaanu rajaynaynaa inaan tagno Ogadenia oo xor ah kadibna  caana geelna aanu kasoo cabno, waa siday hadalka u dhigeene.

Su’aalahaas & kuwo kaloo aad u badnaaba waxay uga jawaabeen si habsamiya ayagoo ku celceliyay wax badan inay buugooda kusoo bandhigi doonaan.

Kadib ururka haweenka ayaa gudoonsiiyay hadiyad qiima badan oo ay ugu tala galeen labada suxufi.

Waxay aad ugu farxeen suxufiyiintu hadiyadii la gudoonsiiyay  ugana mahad celiyeen ururka haweenka ayagoo ku celcelinaya waan rajaynaynaa maraan fogayn inaan Ogadenia kuwada kulano, hada waxii ka dambeeyana waxaanu noqonay qoys oo kale waana kasoo qayb galaynaa kulamadiina quruxda badan.

Gabagabadii  & gunaanadkii halkaas waxaa barnaamij halkaas Hidaha iyo dhaqanka ah kusoo bandhigay ururka OYSU gaar ahaan cayaarahii hidaha & dhaqanka (DHAANTO)

Shirka oo ahaa mid aad u heer sareeya ujeeda fogna lahaa ayaa waxuu kusoo gabagabooyay farxad & rayn rayn.

Ilwad Ali

Sweden.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay