Tan iyo markii suxufiyintii reer Sweden lagu qabtay gudaha Ogadenia sanadkii 2011 waxaa wadanka Sweden si wayn u dhex gashay qadiyada S/Ogadenia oo noqotay mida ugu hadal haynta badan saxaafada wadanka Swden iyo  guud ahaan wadamada la isk yidhaahdo Skandenivianka waxaadna moodaa in qadiyada Ogadenia ay wadamadan ka noqotay Falstinti 2aad marka laga eego sida loo xiiseeyo ama ay saxafadu wax uga qorto, Tusaale hadi adoo wata wax muujinaya calamadaha ay caanka ku tahay bulshada S/Ogadenia aad raacdo gaadidka dadwaynaha sida Basaska,Tareenka iyo iwm waxay ku waydiinayaan dadka qarkood ma waxad ka timid Ogadenia, waxay raacinayaan; waxaan ka dawaday saxaafada Sweden ama waa meshi Martin iyo Johan lagu xidhay. Mida kale waxaa fudud hadda in qof reer sweden ah ama maamulada dowlada hoose iyo shaqalaha wadankan inaad ka dhaadhiciso qadiyada Soomalida Ogadenia markaad u tagto ee aad u sharaxdo qadiyada ugana sheekayso dhibatoyinka ay xukumada Gumaysiga ee ku caan baxday dhiiga shacabka somalida ogadenia. Waxa fududu inuu qofkaasi ku dhoho wan ka warhayaa ama waa dhab waxaad shekayso waayo aniguba waan dawaday ama waan akhristay waxad sheegayso. h

Hal tusaale oo aan goob joog u ahaa (maalin ayan waxan ka imaanay mudaharaad ka baxsanaa Sweden waxaana soo gaadhnay gudaha wadankan Sweden gaar ahan agagaarka magalada Malmö oo ah casimada sedxaad ee wadankan waxan soo galay kaalin shidaal anagoo qarkano uu garabka ku wato calanka Ogadenia kadib nin ka mid shaqalihi meesha ayaa markan soo galay nagu yidhi rer Ogadenia soo dhawaada waxaana aad ugu faraxnay sida uu ninkaasi noo soo dhaweyay uu qadiyada u yaqana waxa una noo sheegay inuu Tv kala socda wax ka socda halkaasi).

Hadaba waxaa is waydiin mudan maxay tahay sababta ay bulshada rer Swden iyo dawladaha jaarka la ahba ay sidaas uga war hayaan qadiyada Ogadenia ama ay u danaynayaan, ma wariyayaashi laga xidhay ayay ka xanaaqeen ? ma dawldadaha kale ayay ka fiicanyihiin?  

Waa su,aalaha aan rabo inaan diirada ku saaro maqalkaygan waana fikirka qoraaga uun u gaar ah.

Hadan soo koob aragtidayda iyo waxan isleehay waa jawaabaha ugu sahlan ee su,aalahan ayaa ah.

  • Dadka reer galbeedka ah gaar ahaan wadamadan yurub waxay ku xidhanyihiin kana shidal qataan saxaafada oo qofka subixii markuu soo koco intuuna TV dawanin waxay akhristaan Jornalda subixii soo baxa oo gurigooda habeenimo Postada looga soo rido inta badan bulshada kadibna waxay dawadaan Tv  waxa ugu badan ee ay ku xisaabtamaan mihiimada ugu badana waxay siiyaan dawashada iyo ku xidhanaanta saxaafada iyo akhriska boogaagta  sida darteed madaama ay dadkani la socdeen doodihii faraha badnaa iyo khudbadihii kaladuwana ee saxaafadu kaga hadlaysay wariyayshi la xidhay iyo xalada gobalka iyo waxay suxufiyiintu Ogadenia ka radiyeen ee ay xabsiga ku kasbadeen kadib waxay ogaden ama ay fahmeen in dadka rer Ogadenia ay yihiin dad dhiban oo la gumaysto xaqodiina la cuno , waxaa kale oo ayadana aan mesha ka maqnayn in ay bulshadan rer Sweden tahay umad ay demokradiyadu ka ansaxday isla markaana waxay aad uga xumadan shirkaha laga leyahay Sweden ee ka qay qadanaya xasuuqa shacabka waana su,aasha ugu badan ee ay is waydiinyaan khubarada ku xeel dheer saxafada iyo siyaasada  in wadan asagu demokradi ah ay shirkadihiisa qaar ka hawl galaan kana qayb qataan xasuuq bulsho ayadu an helin cadalad waligeedba,waxa ayadana xusid mudan marki la soo dayay suxufiyinta waxay Stockhlom ku qabten shir saxafadeed lawada sugayay tan iyo markii ay Jeelkii  Adis Ababa ka soo bexeen shirkaasi oo ay ka soo qayb galeen dhaamn saxafada caalamka  live ka ahayd dhaman Tv,yada wadankan Sweden shir saxafedkasi waxa  lagu waydiyay su,aalo fara badan oo ay dadku aad u xiisaynayeen waxayna shegeen suxufiyiintu inayna ka xumayn ama ayna qoomamaynaynin xadhigi,Dhaawaci iyo Jidh dilkii doqonimada laha ee loo gaystay sabatuna waxay tahay aayay dheheen waxan ifinay wax badan oo shacbka halkaas dagani  in badan sugayayen in la ifiyo oo ah xasuuqa wadaredka jogtada aha ee ka socda Ogadenia dadki malinkaas joogay madasha ama khudbadoda iyo jawabihii ay bixinayen dawaday waxay u riyaqeen gesinimdi iyo dacadnimada shaqadooda oo ah inay dadkaa aan hadli karin af u noqdaan iyo indho calamka soo jiita,inta badan waxaad arkaysaa dood cilmiyeedyo laga hadlayo haday Itoobiya sas tahay maxay yurub u caawisa oo canshuurta nalaga qaado logu tageera  waa su,aal inta badan shaqaaluhu iyo shacabkuba iswaydiiyo.
  • Jaaliyada S/Ogadenia iyo ururada kale oo rer Ogadenia sida ururka OYSU iyo Hooyooyinka oo ayagu runtii qayb lexaad leh ka qaatay in ay saxaafadu ka hadasho Ogadenia waxna la iska waydiiyo ayago ka qayb galay Dood cilmiyeedyo,waraysiyo,maqaalo, iyo kulamo kale oo badan oo ay la yesheen dhanka siyasiyiin caanka ah sida Barlamanka wasarada Arimaha dibada,suxufiyiin,ururada xuquuda adamaha u dooda iyo qaarkale oo aana halkan ku soo koobi karin,waxay sidoo kale Jaaliyada iyo ururka Dhalinyaraduba  ku dadaleen inay marti qadan lana kulmaan qofkasta oo ay isleyihiin waxa uu soo jiidan karaa saxafada iyo shacabka rer Sweden sida khubarada ku can baxay qorsita buugaagta Jornalstayaasha dowladaha hoose , waxay sidoo kale soo dhaweeyeen kuna bararujiyaan qofksta oo dhaha waxan buug ama maqaal ka samayn Ogadenia xalkeeda waxay u sahleen inuu qofkaasi helo waxyabo badanuu u bahanyahay sidi loo soo saari laha bugaasi  ama maqaalkasi sida in loo dhamaystiro xogta uu radinayo markaas iyo aqoonta gobalada uu rabo inuu wax ka qoro  in loo sharxo , waxa xusid mudan in horay ay gabdh wadankan caan ka ah u qortay buug loogu magacdaray Shidaal & Dhiig waxaa kale ayadana soo baxay Sweden oo dhana laga dawaday teaterdana lagu soo bandhigay Filim laga sameyay Ogadenia iyo dhibka ka jira , waxaa ayadana hada la sugayaa buug ay qoreen suxufiyinti Ogadenia lagu xidhay oo soo bixi dona goor dhaw aadna loo xiisaynaayo  dadkuna aad ugu helanyihin so bixitankisa. Waxa kale oo ayadana lagama marmaan ah inan fahano in Jaaliyadu ay ku faaftay guud ahan wadankan Swden oo  ka mid ah wadamada yurub ugu waawayn ayagoo unugyada ka jira gobaladuna dhamantood bilaabay dadalkaas iyo in la soo jiito siyasiyiintana laga dhaadhiciyo   wax ogadenia ka jira  waxa ka mid ah gobalda hada dadaalka ugu badan ka socdo Jönköping oo ayna horay uga jiri jirin wax unug jaliyadeed ah ayaa waxaa isbuucii hore ka dhacay shir ay kula kulmayeen dawlada hoose ee gobalkaas oo markii danbe qiray inay soo badheen soona ogadeen in ay yihiin shacbka Ogadenia ku dhiban ayna kala qayb qadan donaan waxi karankooda ah sido kale Jaliyadu waxay hada xarumo ama unugyo ku leedahay Linköping,JöNKÖPING,Eskilstuna,Fleen,Hallstahammar,Västerås,Göteborg,Stockholm iyo woqooyiga sweden  waxa hada qorashaha ku jira in dhaman ina kale ee dhimana la dhameeyo si dagdag ah hadaba waxan Kor kusoo xusnay in shacabka rer Sweden ay hada fahansanyihin waxa Ogadenia ka socda hadaba waxa halka qadiyada gaadhsiiyay waa dadaalka xubnaha Jaliyada iyo OYSU ee  ku sugan wadanka Sweden ayaa la dhihi karaa dadaalkas Jaliyada iyo OYSU Sweden waxaa cadayn u ah shirkii ugu danbeyay ee shalay sabtida ka dhacay Stockholm laguna marti qaday suxufiyintii Martin& Johan  waxa ayadana aan mesha ka maqnayn madaxda JWXO  ee Sweden ku sugan oo ayagana loga bartay dadal iyo khudbado dadka dhiiga dhaqajiya waxana ka xusi kara mudane Riyaale Xamud oo shalay oo ugu danbaysay ka jediyay madasha khudbad lagu dirsaday  uu dirada ku saaray waxan Itoobiya isku haysano iyo tastuurka gumaysiga ee dadka qarkood ku hadqaan man iska qaadano waxa uuna mudane Riyaale sheegay in Itoobiya ayna isku haysanin dastuur ee ay isku haystan dal iyo dad lagu soo duulay inta qof naga nool yahayna ayna JWXO ka tanaasuli doonin hadfkaas in sha allaah.
  • Hadaba gagabadii  maqalkan waxan ku soo koobayaa in dhamaan dhalinyarada S/Ogadenia ay fadhiga ka kacaan ayagina yihiin kuwa meshaas wax gaadhsin kara iyo meel ka fiican laguna daydo Sweden  mel kasta oo ay joogaan iyo in qadiyada saaxiibo loo sameeyo ayadoo la maray jidka ugu sahlan oo ah in wax la qoro  oo wadamada ay dhalintu ku noshay ee ay wax ka bartan luqadoodana ku hadlaan laga dhaadhiciyo qadiyada qofka  hadad u tagto adoo ku hadlaya luuqadiisa wuu kuu soo joogsan waadna ka dhaadhicin kartaa  hadafkaaga waxan ka codsanaya in dhaman dhalintu bilowdo qoraalo iyo xidhiidh lala sameeyo saxafada mesha aad jogto ado ka bilabaya magalad dagantahay kadibna kor u sii socda  waxadna ogatan aduunka waxa dadkoda dhibka ka saara dhalinyaro  hadaba aan noqono kuwii dadkooda u horsedi laha cadalad iyo xoriyad (Dhaqaa jiya dhiiga dhalin yaradaay dhulkeena wayaane ka soo dhiciyaay)

Ordaaya/ONA Sweden

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay