Maqaal :

Tan iyo markii suxufiyintii reer Sweden lagu qabtay gudaha Ogadenia sanadkii 2011 waxaa wadanka Sweden si wayn u dhex gashay qadiyada S/Ogadenia oo noqotay mida ugu hadal haynta badan saxaafada wadanka Swden iyo  guud ahaan wadamada la isk yidhaahdo Skandenivianka waxaadna moodaa in qadiyada Ogadenia ay wadamadan ka noqotay Falstinti 2aad marka laga eego sida loo xiiseeyo ama ay saxafadu wax uga qorto, Tusaale hadi adoo wata wax muujinaya calamadaha ay caanka ku tahay bulshada S/Ogadenia aad raacdo gaadidka dadwaynaha sida Basaska,Tareenka iyo iwm waxay ku waydiinayaan dadka qarkood ma waxad ka timid Ogadenia, waxay raacinayaan; waxaan ka dawaday saxaafada Sweden ama waa meshi Martin iyo Johan lagu xidhay. Mida kale waxaa fudud hadda in qof reer sweden ah ama maamulada dowlada hoose iyo shaqalaha wadankan inaad ka dhaadhiciso qadiyada Soomalida Ogadenia markaad u tagto ee aad u sharaxdo qadiyada ugana sheekayso dhibatoyinka ay xukumada Gumaysiga ee ku caan baxday dhiiga shacabka somalida ogadenia. Waxa fududu inuu qofkaasi ku dhoho wan ka warhayaa ama waa dhab waxaad shekayso waayo aniguba waan dawaday ama waan akhristay waxad sheegayso.

Hal tusaale oo aan goob joog u ahaa (maalin ayan waxan ka imaanay mudaharaad ka baxsanaa Sweden waxaana soo gaadhnay gudaha wadankan Sweden gaar ahan agagaarka magalada Malmö oo ah casimada sedxaad ee wadankan waxan soo galay kaalin shidaal anagoo qarkano uu garabka ku wato calanka Ogadenia kadib nin ka mid shaqalihi meesha ayaa markan soo galay nagu yidhi rer Ogadenia soo dhawaada waxaana aad ugu faraxnay sida uu ninkaasi noo soo dhaweyay uu qadiyada u yaqana waxa una noo sheegay inuu Tv kala socda wax ka socda halkaasi).

Maqaalka oo Dhamaystiran: 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay