Maanta oo talada ah 26 FEB 2013 ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Nairobi caasimada dalka Kenya munaasabad loogu baroordiiqayey Xuska Maalinta xasuuqa shacabaka ogadeniya.

Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u tirabadan ayaa ka dhacday Hall wayn oo ku yaala Badhtamaha xaafada ay Soomaalidu ku badantahay Islii ee magaalada Nairobi.

Baroordiiqadan oo Amhiyada gaara xambaarsanayd ayaa lagusoo bandhigay dhibaatadii ciidamada gumaysiga Ethiopia  Kagaysteen dhulka somalida Ogadeniya ee,ay gumaystaan.

Intii ay socotay munaasbada baroordiiqda ah ayaa waxaa Hallka shirka isqabsaday Baroor iyo oohin ay  gabdhaha ogaadeeniya is celin kari waayeen kadib markii madasha lagu soo bandhiga xasuuqyadii uu gumaysigu ugaystay dadka shacabka ah ee Ogaadeeniya.

Xuska xasuuqa FEB oo ah mid sigaara sanad walba looga xuso dhammaanba daafaha caalamka ayaa waxaa ka sooqayb galay masuuliyiin ka socotay Jabhada Wadaniga xXraynta Ogadeniya,  jaaliyada Africada Bari ee JABSO , Masuuliyiin ka socotay Jaaliyadaha Soomaaliyeed, Qaar kamid ah ururada Bulshada Dalka Kenya iyo xubnaha ururka OYSU ee dalka Kenya.

Masuuliyiintii Baroordiiqda kahadashay ayaa dhamaantood xusay sida ay lagama maarmaanka utahay in lagarab istaago shacabka somalida ogadeniya ee Ethiopia gumaysato.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Eng. Axmad F. Maxamud ayaa khudbadan u gudbiyay haya’adaha caalamka ee daneeya xuquuqda aadanaha:

Massacre Day Speech

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay