Waxaa Qoray Xarbi Aden:

Af-Soomaaliga qoraalkiisa oo dhawaa & Xadaarada Soomaalida ee dhanka Saxaafada oo aan durugsanayn iyadoo ay jirto, waxii ka danbeeyay1999 waxaa saaxada saxaafada kusoo badanayay warbaahinta Afsoomaaliga wax ku tabisa, iyadoo ay jiraan duruufo badan oo dhanka aqoonta, shuruucda saxaafada, farsamada, & kaabayaasha dhaqaale ee lagu horumarin/geedi galin karo saxaafadu ay gabaabsi ku ahaayeen gayiga soomaaliyeed. Iyadoo caqabadaha iyo duruufaha ku dayran samaynta saxaafad madaxbanaan oo salka loo dhigo wakhtiyadaas ay muush tahay ayay haddana soomaalidu barbarkeeda ka qabsatay wakhtigan la joogay oo warbaahin in la yagleelo ay fududayd. Waxaa si talan taali ah u soo kordhayay idaacadaha iyo website-yada gaarka loo leeyahay.

Inkasta oo umadda soomaaliyeed ay Saban xumaa ku jirtay 21-kii sano ee la soo dhaafay ayna wayday dhamaan adeegyadii bulshada, ayna u Oomaanaayeen meel ay kala socdaan xaaladaha soomaalida & Aduunka kaleba, hadana ma jirin warbaahin dhamaystiran oo dhab ah oo umada intii karaankeed ah u adeegta, waxayna  warbaahinta soomaalidu inteeda badan qaaday hal wadiiqo oo cidhiidhi ah.

Halkan Ka akhri maqaalka

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay