Gudoomiye Ku xigeenka Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadeniya (JWXO) Dr Maxamed Ismaaciil ayaa waxa uu siiyay wareysi Barnaamijka Ilays ee ka baxa TV-ga Somali Channel. Wareysigaas oo waxyaaba badan uu kaga xogwaramay Gudoomiyaha ayaa waxa su’alo laga weydiiyay socdaalkii uu ku soo maray wadamada Europe isaga iyo wafdi uu hogaaminayay oo ka kooban madax ka tirsan ururka ONLF.

Gudoomiyaha ayaa ku tilmaamay socdaalkiisa inuu ahaa mid lagu wargalinayay shacabka S.Ogadeniya iyo guud ahaanba Somaliweyn isla marahaantaana wadamada ay tageen ee ree Galbeedka ay kula kulmayeen madaxda dalalka si loo siiyo warbixino ku saabsan xaaladaha ay ku sugan yihiin shacabka Somalida Ogadeniya.

Wareysigan ayaa intiisa badan wuxuu ku saabsanaa xidhiidhka u dhaxeeya shacabka la guumeysto ee Somalida Ogadeniya iyo shacabka Soomaliyeed ee Jamuhiryada Somaliya. Gudoomiye Ku xigeenku waxa uu sheegay in Somalidu ay taagero buuxda siiyaan halganka kasocda Ogadeniya, oo waxa dhibaateeya shacabka gumaysiga ka soo carara ay yihiin oo kaliya maamulada gobolada Somaliya ka jira kuwaas oo inbadan oo kamid ahi ay gatteen qaranimadii s iyo Somalinimadii. Aad iyo aad ayaan uga xunnahay ayuu yidhi Gudoomoyaha burburka ku yimid qaranimadii Somaliyeed waxana ku dhiiri galinaynaa siyaasiyiinta Somalidu in ay ku dadaalaan sidii ay ku heli lahayeen dowlad dhexe oo matasha.

Gudomiye ku xigeenka JWXO Dr Maxamed Ismaaciil waxa uu aad ugu boggay ammaana u soo jeediyay shacabka Somalida Ogadeniya ee ku nool wadamada ree galbeedka sida ay u garab taaganyihiin dadkooda ku hoos jira gumeysiga wuxuuna ugu baaqay inay halkaas kasii xoojiyaan.

Wuxuu Gudomiye ku xigeenku aad carabka ugu adkeeyay in Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya ay ilaalinayso khayraadka dhulka Ogadeniya islamarkaasna aysan suurto gal u noqon doonin Dowlada Ethiopia ee isku dayaysa inay Gaddo dhulka iyagoo mala awaal ugu sheegaya shirkado shisheeya ah intay lacago ka qaataan inay yimadaan Ogadeniya. Arrintaasi marna suurto gal ma noqon doonto. Wax maal gashi ah kama jiro Ogadeniya, guud ahaan shacabka Ethiopiana gaajo ayay la ildaran yihiin wayna ka dhiidhiyeen arintaa sidaan la socono.

Hadaba wareysigan oo Gudomiye ku xigeenku arrimo badan oo kaga waramyo iyo shirarkii ay ku qabteen wadamo ka mid ah Europe waxa aad ka daawataan Ilaystv.com

ONA
London

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay