Wararka nagasoo gaadhaya Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo ka dhacay Ogaadeeniya oo askarta gumaysiga Ethiopia lagu jabiyey. Dagaaladaasi ayaa waxay u dhaceen sidan :

23/02/2013 Dagaal ka dhacay Geedia-aar oo Dhagaxbuur  katirsan waxaa askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 3 askari waxaana lagaga dhaawacay 2 kale.

25/02/2013 Qaydarka-caadaado oo nusdariiqa udhow dagaal ka dhacay waxaa Askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 3 Askari waxaana lagaga dhaawacay 5 kale,

27/02/2013 kamiin ay ka xidheen cutub katirsan NH/CWXO deegaanka lagu magacaabo Miir-xagaaf oo Dhanood udhow ayaa waxaa soogalay kolon gaadiidka gumaysiga Ethiopia ah waxaana kalonyadii halkaasi lagaga gubay hal Baabuur iyo askartii saarnayd oo ay san waxba kabixin,Sidoo kale waxaa rasaas aad uxoogan lagu furay Baabuurtii kale ee lasocotay kan la dhalaaliyey waxaana laga dilay Askartii saarnayd gawaadhida kale inta la xaqiijiyey 9 Askari waxaana lagaga dhaawacay 2 kale,

28/02/2013 Dagaal ka dhacay Qudhac-witir oo Danood  u dhow waxaa Askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 2 Askari waxaana lagaga dhaawacay 2 kale,

Faah faahin dheeraar ah oo kasoo baxday weerar kii xooganaa ee ay NH/CWXO ku qaadeen maleesiyada loo yaqaano Hawaarin oo lagu soo uruursaday Deegaanka Kaam-daawadiid 22/02/2013, kuwaasoo deegaanka ku dhibaataynayey dadka shacab ah ayaa waxaa la soo xaqiijiyay in ciidanka laga dilay iyaga iyo gumaysigii la socday ay noqdeen 32 Askari, waxaana kamid ahaa maleeshiyada weerarkaasi lagu laayey Taliyiihii watay dabaqoodhigaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdinuur Allaale kaasi oo dadka shacabka ah aad u dhibaatayn jiray, waxa uuna ahaa qodax ku taagnayd dadka shacabka ah.  

 Waxaa iyaguna jira dagaalo kale oo ka kala dhacay 16,27 iyo 28kii bishii labaad Deegaanada kala ah Bulaale oo Dhagaxbuur katirsan,Bali-sareedo oo Gunagado udhow iyo Laan jaleelo oo Marsin ka tirsan, waxaan dagaaladaas askarta gumaysiga Ethiopia loogu gaystay khasaare xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay