Waxaa meela badan oo caalamka ka mid ah laga xusaa 20ka June ee sanad walba Maalinta Qaxootiga Afrika.
Haya’adda Lagu dhanyahay ee QM (UN-General Assembly) ayaa 4tii Desember 2000 go’aansaday Qaraarka Lambarkiisu yahay 55/76 oo xusay in 2001 uu yahay xuska 50guuradii Go’aanka ku magacaaban – 1951 Convention relating to the Status of Refugees – ee lagu qeexay Arimaha Qaxootiga, iyo Ururkii Midowga Afrika (OAU) oo isku raacay in maalin caalami ah loo sameeyo Qaxootiga oo ku beegan maalinta Qaxootiga afrika oo ah 20ka June. Sidaa darteed ayuu Golaha Qaramada Midoobay u go’aamiyay 2001dii in 20ka June loo dabaal dago Maalinta Qaxootiga Caalamka.

Haya’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha qaxootiga oo 60sano jirsatay ayaa sanadkan barnaamijyo kala duwan oo qaali ah ku xusi doonta munaasabadan meela kala duwan oo caalamka ka mid ah si dunida ugu baraarugta dhibaatooyinka ka jira meela kala duwan oo caalamka ah. Sanadkan ayay Haya’adda caalamaiga ah ee qaxootiga halhays ahaan u qaadatay weedha ah;

– Ma Yara Hal qof oo Qaxooti Rajabeel ah-, Maalinwalba Malaayiin Qaxooti ah ayaa la kulma dil iyo kufsi iyo argagixin. Waxaan Aaminsanahay in xataa Qof kaligii uu yahay wax badan – (“One Refugee Without Hope is too Many.” – ” Every day, millions of refugees face murder, rape and terror. We believe even 1 is too many.

Dalalka ugu badan ee hadda ay qaxootiga joogaan ayaa waxaa ka mid ah dalka Kenya halkaasoo ay ku soo qaxeen boqolaal kun oo qaxooti ah oo ka soo cararay dhibaatada Itobiya ay ku hayso shucuubta ay gumaysato gaar ahaan S.Ogadenya. Waxaa kaloo ay joogaan qaxootiga Ogadenya dalalka dariska la’aha Ogadenya ee maamulada ay Itobiya ka dhistay halkaasoo dhibaatooyin farabadan loogu gaysto oo aan caalamka horey uga dhicin, maamuladaasi oon u hogaansanayn xeerka caalamiga ah ee Qaxootiga isla marhaantaana ay Itobiya meesha dhigatay.

Jaaliyadaha Ogadenya ee dunida dacaladeeda ku nool ayaa siyaab kala duwan uga qayb qaata xuska maalinta caalamiga ah ee Qaxootiga si loo dareensiiyo caalamka dhibaatada ay ku noolyihiin shacabka S.Ogadenya ee ama dalkooda dhexdiisa ku ah qaxooti ama dalalka dariska ah ku dhibaataysan oo aan lagu tixgalinin xuquuqdooda Qaxootinimo iyo mid wada dhalsho toona. Daawo;

A day in the life of an Ogadeen refugee

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay