2 nin oo ku dhintay  Ceelasha xoolaha lagawaraabsado.

#Wararka naga soo gaadhaya magaalada Qabridahar ee Xarunta Gobolk Qoraxay ayaa sheegaya kadib markii ay Askarta gumaysiga Ethiopia iyo dabaqoodhiga hawaarinta amar lagu siiyey inay dadka shacabka ah iyo xoolahoodaba ka qaadaan lacago baad ah iyagoo u fadhiisanaya xoolaha xilli waraabka cealasha biyaha ee ay ka cabbaan dadka iyo duunyada.

xilligan oo lagu jiro  jiilaal aad u kulul waxay dad kamid ah shacab kaas ciqaabtu saameysay door bideen cabsi ay ka qabaan Askarta gumaysiga Ethiopia awgeed in intii laga qaadi lahaa lacago baad ah oo ay san awoodin inay ceelal ka qotaan hadba meeshii ay isleeyihiin waxaad uga heli kartaan xoolihiina biyo.

Deegaanka lagu magacaabo Wabi-yar oo katirsan Magaalada Qabridahar ayaa 02/03/2013 waxaa ku biiroobay dad shaacab ah oo halkaasi boholo ku yaala ka qodanayey ceel-biyood ay ka cabaan

 Waxaana halkaasi ku naf waayey sida loo xaqiijiyey Wakalada Wararka Ogaadeeniya (ONA) laba nin oo lakala yidhaahdo Allaah ha u naxariiste

Axmed Cabdi Maxamed Dhuux iyo

Faysal Cabdiraxmaan Barkhadle

iyadoo ay jirto  nin kale oo waraabkaas  halis kasoo-gaadhay ninkaas oo wali magaciisa nasoo gaadhin.
ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay