Waxaa sii kordhaya ciidanka baxsadka ah ee ka tirsanaa maxaysatadii Cabdi iley oo iyagoo kooxo ah isu-soo dhiibaya CWXO. Warar aan goordhoweyd ka helnay xarunta dhex ee CWXO ayaa waxaa ka mid ahaa warbixinta ay na siiyeen in goosan ka koobnaa 11 xubin oo ka soo baxsaday xerada tababarka ee garabcase ay saddex ka mid ah soo gaareen goobihii ay joogeen naftoo-hurayaasha CWXO.

Kooxdan wada socota ayaa u sheegay CWXO inay ka soo carareen xerada Garabcase halkaasoo ay ka sheegeen inay dhibaato xooga ay ku haysato dhalinyaro badan oo laga soo qafaalay deegaanadoodii. Dhalinyaradan yimid ayaa magacyadooda ay kala yihiin;

1- Carab Bashiir Dhaqane
2- Hire Nuur Baaxad
3- Cabdi shukri Macalin Maxamad

Waxay kaloo sheegeen in dhalinyarada ku xareysan hadda Garabcase ee la’isuggu keenay halkaa ay dhanaayeen ilaa 300 iyagoo aad ugu dhibaataysan halkaa isla marahaantaana lagu handaday qofkii carara in eheladiisa la soo layn doono.

Waxay sheegeen inay ahaayeen 11 wada socota hasa ahaatee ay kala fakadeen oo 8eed ka mid ah aanay ogayn meesha ay iska soo dhiibi doonaan. Waxaan horey u haynay warbixin aan ka helnay Jigjiga oo ka hadlaysay in la amray xaafadaha Jigjiga inay xaafad walba keenaan ugu yaraan 150 dhalinyara ah oo lagu xareeyo tababarka xerada Garabcase.

Wixii ka soo kordha waan la socon donaa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay