08/03/2013 Magaalada Farmadow waxay ciidamda gumaysiga Ethiopia dhac iyo xidhay isugu dareen Qoyska nin lagu magacaabo Cali cabdulaahi bisle 4sano ku xidhan Jeel Ogaadeen waxayna askarta gumaysiga Ethiopia ka dhaceen maxbuuskaas 100,Neef oo adhi ah iyo laba Ritti oo ay raranayeen caruutiisu iyagoo qashay 70 neef oo adhi ah iyo hal riti waxayna ka xaysteen 30 neef iyo hal riti

Waxay soo xidheen qayska Cali oo ka koobnaa sideed caruur ah iyo hooyadood  Sowda maxamed cismaan

07/03/2013 Magaalada Fiiq waxay ciidamada mooraalka jabsan ee gumaysiga Ethoipia si xun ugu jidh-dileen

Ardo maxamuud muxumed tayri

Iyo Xaliima maxamed suufi

04/03/2013 Fiiq  waxay askarta gumaysiga Ethiopia xidhay iyo dhac isugu dareen

Nin lagu magacaabo Xaaji cabdi shugri waxayna ninkaasi ka dhaceen dukaan uu laahaa waxay la wareegeen dhammaan hantidii taalay dukaanka, waana laxidhay

Xasan maxamed muxumed oo ahaa nin reer miyi ah  oo u soo safray magaalada waxayn ka dhaceen ninkaasi hal riti oo uu ku soo safaray

Iyo Maxamed ibraahi oo ay ka dhaceen isna hal riti ka dibna waa la xidhay

01/03/2013 Galaalshe waxay askarta gumaysiga Ethiopia Kufsi.Jidh-dil iyio xidhig isugu dareen gabdhaha kala ah

Jowhara Axmed daahir

Walaasheed Xukun amxed daahir

Ardo xasan maxamed

Iyo Qureesh oo aanan helin magaceeda oo dhamaystiran

05/02/2013 Askarta gumaysiga  Ethiopia waxay magaalada Garbo ku xidheen

Cabdishaakir macalin cumar

Isla taariikhdaana waxay Gunagado ku xidheen

Jamaal cabdi

21/02/2013 Hadhaawe oo Godey katirsan waxay askarta naxariista daran ee gumaysiga Ethiopia ku xidheen

Cabdi aw aadan

Ibraahim ciilmooge xaraas

Iyo Maxamed ismaaciil

20/02/2013 Gurdumi waxaa lagu  xidhay

Farxiyo maxamed xasan

28/02/2013 Fiiq waxay askarta gumaysiga Ethiopia dhac iyo xidhig isugu dareen

Ardo maxamed ibraahim waxay ka dhaceen gabadhaasi 5000 oo bir waana la xidhay

24/02/2013 Deegaanka Doonoyo-u’eg waxa ciidamda gumaysigu ku jidh dileen

Aw-cabdinuur shabeel oo ahaa oday 80 jir ah iyo

Maxamuud maxamed nuur oo isna ahaa nin da’ah.

 

ONA 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay