Shirkii Gudiga  Fulinta & Kaadirka  Jaaliyada  Somalida  Ogadeniya  ee Koonfur Africa ayaa  maanta Ka dhacay magaalada  Port Elizabeth ee  Xarunta Gobolka  Eastern Cape  gaar ahaan  xaafada Uitenhage ee ay Somalidu ku badan tahay

Shirkan ayaa  gogol dhig u ahaa Shirweynaha Jaaliyada Ogadeniya oo si rasmi ah uga bilaaban doona magaalada Port Elizabeth  taariikhdu markay tahay 15/3/2013 oo ku aadan  maalinta Bari ah

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen dhamaan Gudida Fulinta & Kawaadirda JOKA ayaa lagaga Hadlaayay Qorshayaasha Jaaliyada ee Sanadka  Cusub & taageerida Halganka  ka Socda  Ogadeniya ee ay hogaaminayso  Jabhadda ONLF

Shirkan oo qaatay mudo Saacado ah ayaa lagaga dooday Barnaamijka  Jaaliyada  ee  Sanadka Cusub waxaana  la islaqaatay  dhamaan Qodobadii Shirka  laga hadlaayay  Kulankan ayaa hordhac u noqday  Shirweynaha  Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee Koonfur Africa oo dhaca Sanadwalba xiligan oo kale.

Kulankan ayay Xubnaha Ka soo qayb galay Siwaafiya uga dhiibteen Fikirkooda isla markaana  Cadeeyay Xasuuqa & bara kicinta  ay u gaystaan Ciidamada Itoobiya Shacabka  Somalida Ogadeniya, dib ayaan  ka soo gudbin doonaa  warbixinada Shirweynaha Jaaliyada  oo Socon doona   Mudo 4bari ah Hadii Eebe idmo

Xayi Yare/Port Elizabeth

ONA/South Africa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay