Wararka nagasoo gaadhaya Ogaadeenya ayaa sheegaya in roobkii Guga oo siweyn Dadka iyo Duunyaduba ugu baahi qabeen uu dhulka Ogaadeenya Gobollo ka mid ah ka curtay.

Xiligan oo shacabka Ogaadeenya ay ku jireen jiilaal-kulul (Habar Adhi) aadna loo dareemayay biyo yaraan xoogan oo timid kadib markii ay ciidamada gumaysigu ceelal badan oo dadka & duunyaduba kacabi jireen aaseen, iyo iyaga oo  ay ufadhiisteen ceelasha askarta gumaysigu iyo dabaqoodhiga hawaarintu dadka shacabka ah si ay uga qaadaan iyaga iyo Duunyadoodaba lacago baad ah ayaa ilaahay waxa uu dadka shacabka ah ku badbaadiyey Roobabkii Guga oo bilawday

Roobablka Guga oo ka da’ay qaar kamid ah Gobolada Ogaadeeniya ayaa lasheegayaa in Gobolka Jigjiga uu sifiican uga da’ay halka Gobolada Fiiq iyo Jarar-na uu inta badan ka da’ay roobku

Roobabka oo ahaa kuwo xoogan ayaa waxaa biyo badan soo rogay Afar- tog oo kamid ah Togaga ugu waaweyn Dalka Ogaadeeniya oo kala ah Toga Faafan,Daakhato,Jarar iyo Toga Duluulshe waxayna dadku aad ugu diirsadeen raxmaadka Rabi siiyay.

Wararka roobku waxa ay sheeagyaan in guud ahaan dhulka Ogaadeenya laga dareemayo hoorimaad & sansaan roobeed oo rajo wanaagsan galisay dadka Ogadeniya ee la dhibaataysan xadgudubyada ay ugaystaan askarta gumaysiga Ethiopia iyadoo lafilayo in dhammaan dhulka roobabku ka Da’aan guud ahaan dalka Ogaadeeniya todobaadada fooda inagu soo haya haddii Eebbe idmo.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay