Gumeysiga Ethiopia ayaa sii laba jibaaray tacadigii uu u geysanayay shacabka somalida Ogadaneiya. Wakaalada wararka Ogadeniya ayaa soo aruurisay dhacdooyinka foosha xun ee gumeysigu kula kaceen shacabka aan waxba galabsan. tacadiyadaas oo isugu jira kufsi, jidh dil, xidhay iyo boob hantiyeed. Tacadiyadaas ayaa dhacay inta u dhaxeysa 1 March illaa 10 March 2013.

 

10/03/2013 Magaalada Farmodow waxay askarta gumaysiga Ethiopia ku xidheen

Fardowsa Maxamed Gaadhhaye

09/03/2013 Burqayar oo Dhanaan katiran waxay askarta gumaysiga Ethiopia ku xidheen

Cakulle Mowliid Macalin Cabdi

Khadar Cabdulaahi Xaaji

Iyo Axmed Macalin Sahal

08/03/2013 Ciidamada gumaysiga Ethiopia ayaa waxay ka bilaabeen Gobolka shabeele gaar ahaan magaalada Godey in ururkii Alitixaad ee isku dhiibay gumaysiga iyo dad laga keenay Jamuuriyada soomaaliya in dhul dad lahaayeen lagu wareejiyo. dhulkaas oo si xooga looga qaaday dadkii lahaa oo Guryo iyo boosas banaanaana isugu jira oo leeyihiin dad kamid ah shacabka magaalada Godey. waxaana kamid haa dadka hantidooda laboobay Nin Odaya ah oo lagu magacaabo

Xaaji Qodhob Maxamuud Ninkan ayaa markii uu ka horyimid qorshahan Boobka ah ayay askarta gumaysiga Ethiopia xabsiga dhigeen.

08/03/2013 Daratoole waxaa lagu xidhay  

Maxamed Cabdulaahi Aadan

07/03/2013 Gurdumi  waxaa lagu xidhay

Maxamuud Maxamed Guudle oo ku magacdheer Jirde

07/3/2013 Fiiq waxay ciidamada gumeysigu ku xidh xidheen dadka kala ah

Cabdulaahi Aamiin

Hurre Dalxe

Cabdi Diyaar Cabdulaahi ‘

Kaamid Khaliif

Iyo Ina Aqbal oo ana magiciisa hore nasoo gaadhin

03/03/2013 Magaalada Danood ee Gobolka Doollo waxay ciidamada nacabka ah ee gumaysiga Ethiopia si xun ugu jidh-dileen

Cabdulaahi Cismaan Dool

03/03/2013 Askarta gumaysiga Ethiopia waxay Danood kufsi iyo jidh-dil isugu dareen Gabdhaha kala ah

Farxiya Aadan Muxumed

Iyo Xamdi Aadan Badal Hurre

02/03/2013 Magalada Danood waxay Askarta gumaysiga Ethiopia ku xidhxidheen dadka kala ah

Hodan Sheekh Faarax cabdi

Malko Muxumed Sudaan oo Hooyo aad u Da’wayne kadib markii ay diiday lacagta baada ah ee ay Askarta gumaysiga Ethiopia ka qaadayaan dadka iyo Duunyada Ogaadeeniya

Suleekho Faarax Cabdi Samad

Iyo Ina Cabdi Carte oo aanan helin magaciisa hore

01/03/2013 Magaalada Caado ee Gobolka Doollo waxay askarta gumaysigu ku fsi iyo Jidh-dil kula kaceen

Nimco Cabdi Jigre

Iyo Farax Shariif

ONA

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay