Waxaa shir aad  ubalaadhan  isugu yimid  faraca  jaliyada Riyaad ee dalka Scauudiga Carabta. Shir kan oo dhamaan bulshada Riyaadh iyo nawaaxigeeda   la’saga yimid    ayaa waxaa lagu furay sidii caadada inoo ahayd aayadaha quraanka  kariimka ah iyo wacdi diini ah oo uu soo jeediyay Sh. Axmad Maxamad Cali oo uu ku bayaamiyay Alla ka cabsi iyo in midnimada la ilaaliyo oo halganka la’isaga caabinayo dulmiga gumaysiga meel looga soo wada jeedsado.

Shirka  waxaa daadihinayay gudoomiyaha jaliyada mudane  Guuleed  Wali Jaanyar,    waxaana  lagaga wadatashanayay wax qabad jaaliyadda iyo taageerada halganka    xaqa ah iyo sidii loo dardar galin lahaa waxqabadka xubnaha jaliyada Riyaad.

Ka dib markii si aad ah loo falanqeeyay ajendahii shirka waxay dhamaan xubnahu canbaareyn u soo jeediyeen gumaysiga hawsha ay ku bilabeen dadka shacabka iyadoo xilli adag oo diraac ah lamarayo taasoo lagu boobayo hantida yaree ay haystaan markii uu bilaabay gumaysiga inuu ka qaado waxay ugu yeedheen Gibir oo ah baad dadka shacabka laga qaadayo iyaga iyo xoolahooda. Waxay xubnihii shirka fadhiyay ay  hoosta  ka  xariiqiin inay meel uga  soo  wada jeedsadaan wax qabadka halganka      kana digtoonaadaan shirqoolada qorba joogta loo soo safriyay ee meel walba ku fashilmay. Wuxuu shirka ku soo gabagaboobay guul iyo is-afgarad.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay