Ururka Haweenka ree Ogadenya ee dalka Sweden ayaa 16 kii bishan March shir si aad ah loo soo abaabulay ku qabtay magaalada stockholm ee dalka Sweden. Shirkan oo lagu maamuusaya xuska 16 ka March oo ah maalinka Haweenka ree Ogadenya, ayaa ugu horeyn halkaas waxaa kasoo jeedisay khudbad soo dhaweyn iyo furitaanka shirka ah Marwo Aamina Cabdiraxman oo ah madaxa arimaha bulshada ee Ururka Haweenka Ree Ogadenya ee Sweden, isla markaasna shirka daadihinaysay. Kadib waxaa Mikrofoonks lagu soo dhaweeyay Gudoomiyada Ururka Haweenka ree Ogadenya ee dalka Sweden Marwo Ismahaan Iimaan Cabdi, oo halkaas kasoo jeedisay khudbad caajiib ah oo dhinacyo badan taabanaysa.

 

Marwo Ismahaan waxay kasheekaysay taariikhdii ay soo mareen Haweenka aduunka, halgan kii ay usoo galeen in ay helaan haweenku sinaan iyo cadaalad, waxayna ku dheeraatay kufsiga, barakaca, gaajada iyo bahdilka joogtada ah ee ay la kulmaan maalin walba Haweenka ree Ogadenya, iyadoo ugu dambayntii baaq u dirtay Haweenka Aduunka si ay isu garab taagaan haweenka ree Ogadenya, waxayna sidoo kale ugu baaqday haweenka ree Ogadenya meelkasta ooy joogaan in ay umidoobaan xaquuqdooda, iyada oo sheegtay in lajoogo xiligii ay haweenka ree Ogadenya iska rogi lahaayeen heeryada Gumaysiga. Waxaa iyadana shirka kasoo jeedisay khudbad dheer oo dhinacya badan taabanaya Marwo Cibaado Maxamed Tarabi oo kamid ahayd Ciidamada gaarka ah ee JWXO, iyada oo kahadashay adkaysiga iyo geesinimada haweenka ree Ogadenya iyo dhacdooyinkii soo maray intii ay ka hawlgalaysay gudaha Ogadenya.

Dhanka kale waxaa shirka kasoo qayb galay masuuliyiin sare oo katirsan JWXO, oo ay kamid yihiin kuxigeenka Hogaanka Warfaafinta Mudane Badal Axmed Xasan, Xildhibaan Rayaale Xaamud, Wakiilka JWXO ee Sweden Cabdinaasir Xaashi, Gudoomiyaha Jaaliyada Sweden Mudane Heybe Maxamud Cabdi iyo Marwo Sooc Iimaan Cabdi oo ah xoghayaha Jaaliyada UK oo booqasho kutimid dalka Sweden.

Masuuliyiintaas oo shirka ka hadlay ayaa dhamaan sheegay dawrka lama ilaawaanka ah ee haweenku kaga jira bulshada haday ahaan layd dhinacyada dhaqaalaha, siyaasada, horumarka iyo xoraynta dalka intaba. Waxay sidoo kale kasoo sheekeeyeen dawrkii ay haweenka aduunka ka soo qaateen halgamadii iyo isbadaladii kasoo dhacay aduunka, waxayna carabka ku adkeeyeen taariikh ahaan dawrka haweenka ree Ogadenya ku lahaayeen halgamadii soo jireenka ahaa ee soo maray Geeska Africa iyo kan hada ka socda Ogadenya.  Waxaa iyana halkaas kasoo jeediyay hadalo guubaabin ah qaar kamid ah xubnihii kasoo qayb galay shirka.

 

Dhoodi Danwaa/Sweden.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay