17.March.13- Waxaa lagu soo gabagabeeyey caasimada Norway ee Oslo, shirkii xubnaha Jaaliyada Soomaalida Ogadenia oo la qabto bishii ba hal mar.Shirkan oo ahaa mid si aad ah loo soo agaasimay ayaa sidii caadada u ahayd waxaa Aayado kamid ah quraanka kariimka ah ku furay Sheekh Abdi wali oo ku nuux-nuuxsaday waajibka qofka Islaamka ah ka saaran difaaca diintiisa iyo dalkiisa.
Intaa kadib, waxaa hadal kooban oo ku saabsan Ajendaha shirka goobta kasoo jeediyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Xaaji Abdullaah oo xubnaha ku booriyey inay dedajiyaan fulinta go’aamada horyaalla xubnaha.

Xubnaha ayaa si aad ah uga dooday qodobadii la soo dhigay, iyagoo isku raacay in lagama midho dhaliyo qorshaha saddex-biloodlaha ah ee ay soo bandhigeen maamulka Jaaliyadu.
Qorshahan ayaa isugu jira kuwo abaabul iyo daba gal iyo ka war hayn lagu sameynayo dhammaan shacabka kasoo jeeda Ogadenia ee ku dhaqan dalka Norway. Sidoo kale, waxaa si aad ah looga dooday muhiimadda ay leedahay gudbinta qadiyadda xaqqa ah ee Ogadenia si looga midho dhaliyo himilooyinka ay higsanayaan shacabka dulman ee Soomaalida Ogadenia.

Shirka Xubnaha Jaaliyada ayaa lagu cambaareeyey xad-gudubyada ay u geysanayaan maleeshiyaadka taliska Tigreegu Shacabka Ogadenia.Waxayna baaq u direen bulshada caalamka inay wax ka qabtaan xasuuqa balaadhan ee ka socda dhulka Soomaalida Ogadenia.

Shirka ayaa ku dhamaaday jawi is-afgarad iyo guul ah, waxa ayna muujiyeen dhamaan xubnihii kasoo qeyb galay kulanka maanta sida ay ugu qanacsan yihiin go’aamada kasoo baxay shirka.

W/D: Mohamed Ilyas.
ONA/Norway.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay