Waxaa sinabad galya ah ku soo gabagaboobay  Shirwaynihii Jaaliyada Ogadenia ee Koonfur Africa oo 4 maal mood ka socday xarunta Jaaliyada JOKA ee Port Elizabeth.

Maanta oo ahayd maalintii ugu danbaysay Shirwaynaha ayay Xubnuhu ku doorteen gudi cusub oo wadi doonta hawlaha Jaaliyada Sanadkan 2013.

Wufuud fara badan oo ka kala socday gobolo aad u kala durugsan ayaa isugu geeyey dadaalkoodii maanta in xubnaha la dooranayo  noqdaan kuwo lagu xusho karti, khibrad iyo aqoon. Inkasta oo tar tarnka dadka wax dooranaya ku kala xulanayeen dadka ay kala taageersanyihiin hadana waxay ahayd arin aad farxad u leh in habka doorashadu noqotay mid cid kastaaba ku qanacdo ruuxa la doortay.

Sidoo kale waxaa maanta la ansixiyay  xeer hoosaadka  Jaaliyada Ogadenia ee koonfur Africa  oo 2dii Sanaba mar dib loo eego.

Xubnaha oo furitaankii Shirka khudbo ka dhagaystay gudoomiye hii hore ayaa sidookale dhagaystay gudoomiyaha cusub  maalintii 4aad  xidhitaankii  Shirka. Waxaa hadaladiisa ka mid ahaa Gudoonka  Cusub ee loo doortay Jaaliyada  JOKA

“Waxaan ku faraxsanahay inaan dadkayga ushaqeeyo. Waxaanse ka Calool xumahay in aan xilka dib ugu soo noqdo 3Sano kadib Ogadenia oon wali xoroobin” , waxaykamid ahayd hadalkii koobnaa ee gudoomiyaha cusub ee ladoortay. Waxaa kale uu ifiyay umuuro dhawr ah oo uu ku hamiyay inuu hirgaliyo sanadkan hadii  Eebe idmo isagoo ugu horaysiiyay ahmiyad wayn oo lasiiyo  Xubnaha  Jaaliyada.

Waxaa iyana hadalo kooban ka jeediyay  goobta Xubnaha kale ee gudida Cusub. Gudida la doortay waxaa ka muuqday nashaad iyo  caabooni waxayna ballan qaadeen in ay horumar wayn u horseedi doonaan Jaaliyadda.

Waxaa Sidoo kale maanta ladoortay gudoomiyaha Ururka haweenka Ogadenia ee Koonfur Afrika. Waxaan meeja  ka maqnayn  Ciyaarihii Hidaha  & Dhaqanka Somalida Ogadeniya oo goobta  laga soo jeediyay & waliba Suugaan Halgameedkii  Ogadeniya.

Fillo Videos ama Films aad ka daawan dontaan IleysTV.


Xayi Yare

Port Elizabeth

South Africa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay