9 hoggaamiye oo kamid ah Xisbiga TPLF ayaa xilkii laga xayuubiyay Xisbiga TPLF. Arintan oo lugta ku heysa khilaaf xoogan oo ka dhex jira maamulka sare ee TPLF iyo sidii loo hoggaamin lahaa wadanka.

Khilaaf aad u xoog badan ayaa ku dhex jiray taliska TPLF/EPRDF mudadii uu kaligi taliye Malis Zenawi cudurka halista ah u dhintay intii ka danbeesay waxaa sii xoogeystay khilaafka iyo kala hoos guurka ka dhex jira taliska TPLF/EPRDF ee talada wadanka Ethiopia haya. Xisbiga EPRDF ee maqaar saarka ah ee uu hoggaamiyo Raisal wasaraha Ethiopia ayaa kalfadhigiisii isugu yimid magaalada Baahir Daar oo 563 KM u jirta magaalada Addis Ababa. Halkaas ayaa shirkan uga furmay 21 March 2013 isaga oo lagu wado innuu soo afjarmo 23 March 2013.

Maalinkii ugu horeeyay is aragan ayaa durbaba waxaa la soo xaqiijiyay in lagu kala kacay kulankaas ay isugu yimaadeen TPLF/EPRDF. Waxaana lookala jabay kooxo aad u kala fog iyada oo Jagada ama xilalkii ay hayeen xubno badan oo TPLF/EPRDF kamid ah halkaas lagaga xayuubiyay. Dadka xilalka laga qaaday ayaa waxaa kamid ah rag badan oo kamid ah hoggaamiyaasha xisbiga tigreega ee TPLF

Hogaamiyaasha kamidka ah Xisbiga Tigreega ee TPLF , oo laga ceydhiyay Xisbiga waxaa kamid ah

Ambasador  Seyoum Mesfin,

Amb Berhan G/kirstos,

Sebhat Nega,

Arkebe Equbay Iyo

Zeray Asgedom

Xubnahan laga ceydhiyay xisbiga tigreega ee TPLF ayaa ah rugcadaayadii  soo asaasay Ururka Tigreega ee TPLF.

Khilaafkan xoogan ee soo dhexgalay siyaasiyiinta talada haya Ethiopia ee Tigreega ayaa calaamad u ah Burburka kusoo fool leh wadanka Ethiopia.

Lasoco faaloyinka warkan oo hordhac ah.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay