Wararka nagasoo gaadhaya Xarunta Dhexe  ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo ka dhacay deegaano kamid ah Dalka Ogaadeeniya ee ay Ethiopia gumaysato;

17/03/2013 Dagaal xoogan oo ka dhacay Goraneec oo Shaygoosh udhow  ayaa waxaa Askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dily 8 Askari waxaana lagaga dhaawacay 10 kale.

14/03/2013 Dagaal ka dhacay Gabagabo waxaa Askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 2 Askari.

15/03/2013 Waafdhuuf  oo Wardheer  katirsan waxaa lagu dhaawacay 2 Askari oo kuwa gumaysiga Ethiopia ah.

15/03/2013 Deegaanka lagu magacaabo Urun-daqadha oo Baabili ka tirsan dagaal ka dhacay waxaa askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 3 Askari waxaana lagaga dhaawacay 6 kale.

14/03/2013 isku dhac ku dhexmaray dabaqoodhiga dhidid dhowrka u ah askarta gumaysiga Ethiopia Dhagaxmadow ayaa waxay iskaga dileen isku dhacaasi 6 dabaqoodhi ah oo uu kamid ahaa ninkii haystay dabaqoodhiga magaalada Dhagaxmadow waxaa isaguna jira dhaawac tirabadan oo ka dhashay dagaalkaasi.

Waxaa iyaguna jira dagaalo  kale oo ka kala dhacay 14 iyo 16/03/2013 deegaanada kala ah Gabagabo iyo Siibada waxaana askarta gumaysiga Ethiopia dagaaladasi loogu gaystay khasaare xoogan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay