Dhawr ruux oo igu tuhmayay in aan wax ka garan Erayga Gibir ayaa isoo wacay kadib markii ay ka dheehdeen Barnaamijka Ilays TV oo baahiyay amuuro salka ku hayay eraygan, Waxayna i waydiiyeen ” bal ficil  ahan waanu fahanee macno ahaan eraygan waxuu Afsoomaali ku noqon noo sheeg“. Waydiintaas ka dib waxaan dhoodhoofay in ay lama huraan tahay in aan soo bandhigo inta ay luuqada xabashida dadka soomaalida ogadeenya si siman u wada yaqaanaan.

Gumaystayaashii aduunka soo cadibay dhanka qabsashada bulshooyinka waxaa lagu xasuustaa inay umaday qabsadaan ka dhaadhicin jireen inay aragti iyo aqoon daran yahiin, sidoo kale ay u wadaan ilbaxnimadii ka saari lahayd Jahliga, Gaajada, Biya-la’aanta, Caafimaad xumada,Wadooyin la’ aanta IWM. Waxaa gumaystayaashii Qaarada Africa kol ku habsaday lagu xasuustaa in ay dhalan rogeen xadaaradihii, dhaqannadii, luuqadahii & hidihii bulshooyinkaas ay qabsadeen. Gumaysiga ayaa u sheegi jiray la gumaysayaasha in ayna xadaarad lagu naaloodo/ lagu sii joogi karo dunida lahayn, oo ay ka danbeeyaan dunida ilbaxday sidaasi daraadeed ay u baahan yahiin in laga dabageeyo aduunka guuray ee galaba meel haaban. La gumaystayaasha ayaa ku daray xashiiska dabayshu qaado xadaarrado iyo xeerar u gaar ah  oy lahaayeen oo ay isku maamuli jireen, iyagoo markaas islahaa ilbaxnimamada gumaysigu ku baaqabo aad baasha ka haleesheen. Gumaystayaashii wakhtigaasi iyaga oo aragtidaas ka duuli waxay ka hirgalin jireen wadamada ay qabsadaan horumar dhanka adeega bulsha ah.

Soomaalida Ogadeenya oo ahayd bulshooyinkii gumaystayaashii Africa qabsaday gacantooda ku dhacay ayaa markii Africa ka xorowday gumaysiga nasiib darro gashay gacanta gumaysiga xabashida.  Gumaysigii Ingiriiska oo lagu xasuusto wadamada uu gumaystay in ay ka dhaxleen; Luuqada English-ka oo wadamo badan oo ingiriisku gumaystay maanta luuqadda-1 aad u ah, iyo Adeeg bulsho oo uu ka hirgaliyay wadamadaas uu gumaystay, iyo Nidaam maamul iyo hab dhaqan dawladeed & xidhiidh iyo garab isku hayn ilaa moogan aan joogno uu la leeyahay wadamadaas uu gumaysan jiray (British Common Wealth) ayaan Ogadeenya wax la taaban karo uga tagin. Waxaa la odhan karaa Talyaaniga oo muddo isna haystay Ogadeenya & Ethiopia ayaa uga raandhiis badnaa gumaysigii Ingiriiska.  Talyaanigu isaga oo rabay in uu kusoo jiito dadwaynihii uu qabsaday horumarka iyo adeega bulshada ee ayna uga baran nidaamyadii ka horeeyay ayuu muddadii yarayd ee uu dalka haystay ka hanaqaadshay adeegyo bulsho iyo dhismayaal waaweyn. Geesta kale waxay taariikhdu shegtay in Talyaanigu aad u ilaalin jiray goobaha laga fulin mashaariicda si amaankooda loo sugo intay ka dhamaan. Talyaaniga ayaa ku gees waday ujeedadisii ahayd in uu u waday bulshadan waxyaabo ayna gaadheen qabsashada talyaaniga la’ aantii. Ujeedo qododheer oo u baahan in ruuxu celceliyo siraha ku duugan horumarkaas ayaa kollayba ku ladhnaa.

Ingiriiskii waxay ogadeenya kala hadhay marka laga reebo gumaysiga xabashida ee uu u gacangaliyay waa;  Erayada Miil(Meal), Niil(Nil) Dhayli (Daily)’, Gaan(Gain) iyo kuwo kale oo dhawr ah, waxaan u qoray sida ay ugu dhawaaqaan ilaa hada dadka ku nool dhulka miyiga ah ee fog oo Ereyadan soomaaliyeeyay qaab afgarasho, inta badana waxaa macnahooda yaqaana Haweenka waawayn oo u adeegsada qaab xeelad isku afgarasho, midiba mid ayay ka sii barataa. Kolkii aad akhrido qoraalada kaydka noqday ee ay ka xijaabteen qorayaashii Ingiriiska arintan dhaxal la’aanta Ogadeenya ayna waxba uga tagin gumaystayaashii qabsaday ayaa waxaa sabab u ah dhaqan adeyg ay la yuurureen bulshadii soomaaliyeed ee ku noolayd dhulkaas oo marka laga reebo kooxyar oo la shaqaysan haysay gumaysiga dhexgal fiican iyo layli midna uu gumaysigu kala xaal waayay.

Hadii aan ku dhaafo intaas dhaxalkii gumaysiga Ingiriiska, Maxaan ka dhaxalay gumaysiga Xabashida oo wadanka Ogadeenya si toos ah u haysta ilaa 1954?   Inkasta oo markasta ay sheegto dawladihii isaga danbeeyay Ethiopia in dhulka ogadeenya uu ka midyahay Ethiopia inteeda kale hadana dhulkan waa mid ka go’doonsan Ethiopia dhan dhaqaale, dhaqan, dhul, gacansi , Luuqad, Waxbarasho iyo guud ahaan waxyaabaha nolosha aadanaha aas aaska u ah. Hadii aan ku horeeyo dhanka luuqada wadanka loo yaqaano Ethiopiawaxaa lagaga hadlaa inta hada la hubo 90  luuqadood oo Soomaaligu ka mid yahay. Waxaa cadaadiskii iyo cabudhintii shucuubta ay ku hayeen xukuumadihii isaga danbeeyay xukunka wadanka ku baaba’ay luuqado kor u dhaafaya 30 oo waa waynaa, waxaa sidoo kale la sheegaa in ay jiraan luuqado koox ah oo yaryaraa oo ku dabar jarmay duufaankaas cadaadiska iyo cidhibtirka huwanaa.

Afafka hadda nool waxaa ugu horeeya luuqada qaranka Ethiopia oo ah Af Axmaariga, dadka soomaalidu ay u yaqaanaan Afxabashi. Luuqadan waxii ka horeeyay sanadkii 1998 dadka soomaalida ah ee ku hadli kara way tirsanaayeen magaalooyin waawayn umbaana laga heli jiray ruux afxabashi ku hadli kara ama celin kara. Ciidanka gumaysiga waxay kasoo kaxaysan jireen qof  u afceliya/turjumaani kara markii ay shir qaban magaalooyinka kale ee laga heli karo afyaqaan. Markii ay adkaatay helida dad ku filan oo Xabashiga yaqaan meelkasta oo dani kasoo gasho ciidanka xabashida u turjumi kara, waxay xukuumada hada joogta hirgalisay in dad magaalooyinka laga soo qoro deetana  lagu laylyo luuqada xabashiga & nidaamka hada ka jira Ethiopia. Kooxdan la carbinayay ayaa waxaa ugu magacdheeraa Kaadirkii laga qori jiray magaalooyinka ee loo qaadi jiray xeryaha tababarada & shaqaalihii xisbiga ee koorsooyinka lagu siin jiray meelo kala duwan.

Dhaqanka daqniga ah ee soomaalidu markan ma liqin amuurtan, waxuuna u arkayay ruuxa luuqada xabashiga yaqaana Basaas Soomaalinimada iyo diintaba ka baxay oo xidhiidhka furtay. Schoollo kooban oo lagu dhigi jiray luuqada xabashiga waxii ka horeeyay 2004 oo la xidh xidhay dhalinyaro ka baxday sida aan ku sheegay maqaal aan baahiyaya wakhtigaa, ardayda soomaaliyeed way ka dareeri jireen inta ay socoto xiisada xabashigu, waxayna u arkayeen luuqad gumaysi oo ay ceebtahay barashadeedu. Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadkaas tababarada lagu baray luuqada ayaa aaday magaalo fog oo ka tirsan gobolka Wardheer. Maalin maalmaha ka mid ah isaga oo la socda ciidanka gumaysiga koox ka mid ah oo kula sheekaysan luuqada xabashiga ayna shaahay-nayaan meel maqaaxi ah ayaa waxaa uu waydiistay Wayso Maqaaxida gabadhii lahayd. Wiilkaas dhalinyarada ah markii uu bilaabay in uu wayso qaato gabadh yar ayaa aragtay intay fajacday ayay aad u dhawrtay, Waxay su’aal ugu noqotay hooyadeed iyadoo leh ” Hooyo waxuu ku hadlayay AF Xabashi Wuuna waysaysane waa sidee?” waxay inoo inshaartay yaraantani wacyiga bulshadu halkii ay ka taagnayd ruux ku hadla luuqadan ama ka ag muuqda xabashida. Iyada oo ay saas tahay heerka luuqad barasho ee Soomaalidu ka joogtay Luuqada axmaariga ee ay asal u leeyahiin qoomiyada Axmaarada oo dagta Goojaam & Goondhar oo Soomaalid fahmi ogtahay, ayaa hadana waxaa jira erayo caan ah oo ruuxkasta oo Soomaalida Ogadeenya ah uu yaqaano. Erayadan oo sida kuwii ingiriiska ee aan sare ku sheegay oo kale ah ayay qaarkood yihiin Afxumo, kuwana dhac, arbushaad, boob, amar siin, goodin, dulaysi, xidhid iwm, meesha kuwa ka mid ahna Axmaariga iska daaye laga waayay luuqadaha waa wayn ee Ethiopia, loona maleeyo in ay ka hadheen luuqadaha aan soo sheegay ee dabar go’ay oo dad ku hadli jiray oo ciidanka xabashida ka tirsanaa inay kaga tageen Ogadeenya . Naxariis darada ay Ethiopia u haystay umada Soomaalida ee ilaa xiligaas ay gumaysan haysay waxaa astaan u ah inta luuqada rasmiga ah (AF-Xabashiga) ay ka yaqaanaan oo kuwa ka mid ahi ay yahiin cinwaanka maqaalkan ( Gidhaas, Gibir, Gubbo iwm). Erayadan oo aan midkasta qoraal kasamayn doono  ayayna dadku Soomaalida ah intooda badan macnahooda aqoon laakiin ruuxkasta uu ficilkooda yaqaanaa.

La soco kalka  Labaad ee qoraalkan.

W/Q Xarbi Aden
Email xarbi24@yahoo.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay