SEBEN AAD U FOG KAHOR, ayaan la kulmay oday waayeel ahaa. Magaciisa waxa laoranjiray Lug-ku-cirroole; horayna waxa lagu naaneysi jiray Maan-ku-cirroole. Odaygu waxa uu ahaa arday dusha ka wada qeybay suugaanta, sooyaalkii hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida Ogaadeenya. Run ahaan, diiwaan nool oo dhaqaaqaya ayuu odaygu ahaa. Lug-ku-cirroole waxa uu iiga sheekeeyay dal ku yaallay dhul shishe ee lagu magacaabi jiray: Carro Oroomo, halkaas oo ay dhacdo magaalo la yiraahdo Adis Ababa. Adis Abeba waxa ay iska leedahay illaayo maanta la joogo, farasmagaal loogu kala yeero magacyo kala duwan.

“Dadka qaarkii Finfinne ayay ugu yeeraan, dadka qaarkii Arada ayay ugu yeeraan, dadka qaarkii na Sheger ayay ugu yeeraan,” ayuu Maan-ku-cirroole ii sheegay.

Qolo la yiraahdo Oroomo, magacii ay asal ahaan ugu yeeri jireen waa Finfinne. Waa dambe, sanadkii 1887 ayay Taytu Betul, ooridii Mililiq, u bixisay magaca loo yaqaan maanta ee Adis Abeba — koofaar u dhiganta Ubaxii Cusbaa. Xididka uu ereyga Finfinne ka soojeedo waa: ‘taaggii janjeeray’.

Awowgeygii shan-ya-tobanaad ayaa laga wariyay in Finfinne ay lahaan jirtay seylad ay reer Oroomiya ugu yeeri jireen Geba Arda. Maalinta Sabtiga ah ayaa ahaan jirtay maalin loo qoondeeyay hawlaha ku saabsan ganacsiga iyo doorinta. Suuqa ganacsigu, waxa uu jiri jiray maalinta Sabtiga ah oo qura.”Geba Arda waxa la isugu keeni jiray badeecooyin kala kaan ahaa,” ayuu Lug-ku-cirroole iiga faalleeyay. Dabadeed, isaga oo rabay in uu i baro in aanu jiri jirin qaran loo yiqiin Itoobiya, waxa uu aqoontaydii ku soo kordhiyay in: cusbada laga keeni jiray dhul la oran jiray Tigraay, haragaha shabeelka iyo kuwa libaaxa na laga keeni jiray dal la yiraahdo Welegga, mujarwalka iyo shootada na (faleenka udgoon) iyo xawaajiga na laga keeni jiray dalka Soomaalidii Harar, malabka iyo daafida na laga keeni jiray dalka la yiraahdo Goojam, bunka iyo foolmaroodiga na laga keeni jiray dalka Kaaffa, caanaha lo’da laga keeni jiray Aarsi… iwm. Suuqa oo furnaan jiray gelinka hore uun, waxa uu u muuqan jiray meel ay nimcadu iska taal taallo; laakiin se, gelinka dambe iyo fiidadkii, waxa la moodi jiray meel gudaafad badan, halkaas oo ay eyga iyo waraabuhu ku diriri jireen, arooryada kalhore, raqdii xoolihii lagu warjeefay.

Maan-ku-cirrole waxyaabo uu berigeedii se ii sarbeebay ayaan jeclaan lahaa in aan shaaca ka qaado. Waayo, haddii aanan idiin qeexin, jeer ay ahaato ba waa hubaal; aniga iyo adinku ba dib ayaan uga wada qoomameyn doonnaa. Si aanay taas oo kale u dhicin, cudurka AIDS-ku na uusan idiin halakeyn, haddaba ogaada:

“Adis Ababa in ay weligeed ba soo ahaan jirtay gurigii dhilleysiga. Geba Arda waxa ay lahayd aqallo lagu iibiyo cunto iyo cabitaan ba. Ogow se, waxa ay ahayd meel dadka Muslimka ah aanay waxba ka cuni jirin, waxba na ka cabbi jirin. Cawaamta, diinlaaweyaasha, iyo qof dufoobay mooyaane qof Muslim ah cunto kamaquudan jirin. Aqallada Arada, gudahooda, waxa kale oo lagu kireyn jiray hablo qurux badan, kuwaas oo gaalkii doonayoba uu u galmoon jiray!” ayuu Maan-ku-cirroole iiga sii xogwarramay. Waxa kale ee uu Maan-ku-cirroole iigu wacadmaray:” Dhilleysigu dhaqan ay ku faanaan ayuu u ahaan jiray reer Tigraay iyo reer Xabuush ba. Arada Gebeeya waxa ay soo ahaan jirtay hooygii jabtada iyo waraabowga!”

Inkasta oo ay Geba Arda muuqaalkaas xun ay beri hore soo lahaan jirtay; ogow, beri dambe, waagii boqorkii Mililiq uu ka talin jiray seyladdaas qarmuun; Arda Adis Ababa, Soomaalidu na ay u taqaan, Ardi Sababa, Finfinne waxa loo xilsaaray nin la mid ah Cabdi Iley, Madaxweyne kusheegga gumeysiga, kaas oo loogu yeeri jiray’Negaadraas’: si xeer kasta oo taagnaa loo dumiyo, hantida dadyowga na loo duudsiiyo. Negaadraasku waxa nooliga laga siin jiray canshuurta laga qaadi jiray dhillooyinkii Geba Arda. Duqa magaalada waxa uu ahaa inan-gumeed talo iyo tabar uu iskii u lahaa aan ku meelmari jirin. Geba Arda, meel aan saa uga sii fogeyn ayaa waadambe laga dhisay Gurigii Mililiq.

Guriga Boqortooyada marka la joogo, dhalada sare ee Geba Arda ayaa halkaas ka muuqan jirtay. Sidaas darteed, Mililiq doorbin ayuu ku daawan jiray hawlaha ka soconaya Seyladdaha Sheger. Maalmaha uu suuqyadu cammiran yihiin, dadku na ay wada xiran yihiin marada la yiraahdo ‘ shaama ‘, dhar cadcad oo laga sammeeyay suuf, aad ayuu Waaqiisa ugu mahadcelin jiray. Dadka ba addoomo isaga uu Eebbe ugu yaboohay ayuu u haysan jiray. Kuurgalka boqor Mililiq intaas oo qura kuma ekeyn; si kale se, waxa uu seyladda u diri jiray basaas u soo xanshashaqa eedaadka iyo eedaysiga dadweynahaas kala qolooyinka ahaa. Sirdoonka reer boqor, waxa farnayd in uu koofi madaxa gashado. Koofiyad ay ku dul qornaan jireen ereyadaan: ‘Yemngst mis tr sebeegna’ (Adeegayaasha Sirdoonka Boqortooyada). Cabsida haatan ka jirta Magaalada Jigjiga oo kale, sida haatan Soomali badan ay uga baqaan gumeysiga -, waagii Boqor Mililiq na: goorta ciidamada sirdoonku soo dhexgalaan, tumbusha suuqa dhoobnayd, dadka oo idil waxa ay hakin jireen wadahadalkoodii. Yeere-yeere! Yam! Cid niiqoranama wax ka sheegi kartay taliskii Mililiq, ma ayan jiri jirin.

Maalin beryahaa ka mid ahayd, si hanweynidii boqortooyada loo taabbageliyo, ciidamadii Mililiq waxa lagu soo fidiyay dhulkii Soomaalida. Meel kasta ba maamul, iyo Negaadraayo hoostaga Boqortooyadii Ardi Sababa ayaa laga abaabulay. Naadiye sita dublad weyn ayaa dadka u sheegi jiray farrimaha cusub ee uu soo diray boqor aanay dadku horeba u oqoon jirin; boqor aan iyaga kuna af iyo kuna diin toona ahaan jirin. Afhayeennada reer boqor – sida Cabdi Iley, iyo Ibraahim Dheere ba ay maanta iidhehda ugu sammeynayaan burcadda Woyaaneha Itoobiya – ayaa seylad kasta isla soo taagi jiray ereyadaan oo kale: ‘Awaaj! Awaaj! Awaaj! Yeeddebbeloo qeddaaj, Yalseemaaw laalseemaaw yaasseemaa!‘ Sidaas ayaa canshuur, tii hore ba ka sii culeys badanayd; ganacsatadii Soomaalida looga qaadi jiray, loona sii gumeysan jiray. Ma caanshuur ayaan kugu iri? Maya, ee waa wax u dhigma wax la yiraahdo gibir ama baad ama koodhi; hadba tii aad u taqaan.

Soomaalidii hore se, waxa ay ahayeen dad dhaqankooda, diintooda, iyo afkooda aad ugu dheggan. Ogow se, Mililiq waxa uu dhiirrigeliyay Soomaalida in la dhalanrogo, in la dhaco hantidooda iyo alabadooda ba, in la boobo xoolahooda, in la kufsado dumarkooda, iyo in la dilo geesigooda.

“Adeegeyaasha Sirdoonka, goorta ay soo galaan qasrigii boqortooyada, goor kasta oo ay gibirkii guddoonsiinayaan boqorka, waxa farnayd in ay kolka hore dhulka shumiyaan, dabadeed na ay kabaha boqorka u leefaan geddii iyaga oo dhuuqaya dhabaq oo kale,” ayuu Maan-ku-cirroole iigu dhaartay.

Marka kasta uu boqorka u keeno gibirka, waxa uu Negaadraaskiisa fari jiray in uu kordhiyo canshuurta Soomaalida laga qaado. Sabtigii kale goorta la soo gaaro, canshuurtii hore canshuur kale ayaa lagu sii dari jiray. Soomaalidu si deggan ayay naadada u dhegeysan jireen, iyaga oo aamusan na bixin jireen dulsaarkii ku biiray noloshoodii maalmeed. Raggii sirdoonka, goorta dambe oo ay soo gaaraan Gurigii Boqortooyada, boqorka na ay uga kala hadlaan xogtii suuqa taallay; Mililiq waxa uu kuoranjiray:

“Arrinkan waa halis cusub. Haddii Soomaalidu ay sidaan u aamusto waa astaan dhibaato oo boqortooyadeyda ku soo fool leh. Goorta Soomaalidu ay caradooda muujinayaan, arrimahooda waa la sabaaleyn og yahay. Ma na aha in la gaarsiiyo heer ay furka tuuraan, heer ay ka dhiidhiyaan gumeysiga, heer ay dagaallamaan.”

Sidaas awgeed, Miliq waxa uu fari jiray Negaadraasyadiisa in ay qaadaan caanshuurtii hore loo qaadi jiray uun. Maxaa yeelay, ayuu boqorku kuoranjiray qabaannadiisa: “Dadka haddii aan lagu laylyin canaabtii hore, waa ay la biqleynayaan ama ba tuurayaan haddii lagu sii kordhiyo rar kii hore ka sii culeys badan.”

Dadku, waxa uu Mililiq rumeysnaan jiray waa: sidii koorihii gammaanka oo kale. Marka lagu celceliyo qaadista kebedda, waxa uu yeelaa sitaac, dabadeed bir yayar, muunado, shakamado, libaadshe, iyo dun ayaa meelo kale lagaga sii niibi karayaa. Maalin maalmaha ka mid ah, waxa la arki: faraskii layliga ahaan jiray, faraskii gibisha diidi jiray, kiiyoo weliba culaabtii boqorku na ay dusha kaga sii fadhiso; dabbaaldeg awgii, isaga oo la kadleynaya — gammaankii oo afarta qoob ka ciyaaraya — maquufkii birta ahaa na u muudsanaya sidii gaws [malabka surta] oo kale; isaga oo weliba na qawlallada ka tufaya abur uu dhiig ku milan yahay!

Maan-ku-cirroole waxa uu iiga sheekeyay goorta dadka reer Harar ay afkooda dhowrtaan, goorta weliba Negaadraas aan tuurrimo oqoon uu boqorku u soo diro, Soomaalida hayinka ahayd guryahooda ayay kala aadi jireen iyaga oo weli ba iska shibban. Galabgaabkii ayay isugu soo xoomi jireen madal ay shaaha ku wada cabbi jireen; jaadku na iyada oo uu camankooda ku wada cabbeysan yahay, xuuko caddeys ah na fuudaya: waxa ay billaabi jireen in ay ammaan iyo ducooyin u tiriyaan jawrfaleen, iyaga in uu bahdilo maahee aan qabkooda, marna ba, u aabayeeli jirin!

Ujeeddadii Qoraalkan

Dhulka la yiraahdo Itoobiya waa dal dhalanteed ah, dal ka kooban dhulal ay ku kala nool yihiin qolooyin kala duwan, dal ay ka taliyaan hadda burcad la yiraahdo Woyane, madax na uu maanta ka yahay qowle lagu magacaabo Xayle Mariam. Dal ay diintiisu jacbur tahay: Waa Tigree haysta masiixinimo aaminsan sixir, xiddigis, faal, iyo khuraafaad isku wada qooshan! Diintoodu waa diin kasta. Haddana, Xayle Mariam waa Marxiste, waa calmaani aan diin lahayn.

Maanta dhulkii Soomaalida Ogaadeenya la oranjiray, waxa ka taliya Negaadraasyo Soomaali ah . Ma na aha xildhibaanno u taagan ujeeddo qarannimo, dadnimo iyo diin muqaddas ah ee Waa calooshood u shaqeysteyaal.

Gurigii Mililiq waxa maanta waxaa deggan Xayle Mariam. Doorbinkii Mililiq waxa uu Ardi Sababa, Ubixii Cusbaa hoostiisa keenay Xoolihii iyo dhulkii hodanka ahaa ee Ogaadeenya– iyo  Ceelashii geela looga shubi jiray si Gibir looga qaado dadka iyo duunyadooda. Negaadraasku, ina Eey na, hadda iyo haddhow ba, waxa uu tegi doonaa Gurii Mililiq: waxa uu shummin doonaa kebbiskii daaraddii Mililiq, waxa uu leefi doonaa kabihii Woyaaniga iyo calaftii Mililiq, waxa uu na Ogaadeenya kula soo laaban doonaa isaga oo ay laabta kaga qoran tahay: ‘Yemngst mis tr sebeegna’.

Ogow se, dhulkii Ogaadeenya ma joogaan ganacsato diinlaaweyaal ah, jaadka na calashada, shaahiga na u fuuda si ay u faaniyaan nacabkoodii: ma joogaan dad oggol in harqood la iskula xirxiro – dad koodhi ka dhiibaya hooygoodii. Ogadeenya waa meel dhan kasta ba ka ilaalinayaan geesiyaasha JWXO. Dhulka Ogaadeenya la ma mid aha Geba Arda: gurigii dhilleysiga iyo Seyladdii Teelada (Suuqii Khamriga). Gaal kastoo buuryo leh, gaal kasta oo soo galooti ah, iyo miirada uu cadawgu ku gabraarto, iyaga oo idil, gumac ayaa lagu maamuusi doonaa.

Ogadeenya ha noolaato. Negaadraasku na ha dhinto!

W/D: Mohamed Ilyas

Norway/ONA.

-Qoraalka sare qeybo kamid ah waxa aan ka soo xigtay xog uu qoray Md. A. M. Yusuf.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay