29 ka mid ah ciidanka Komaandooska sida gaarka ah loogu soo tababaray machadka lagu magacaabo –Blaten Specila Force Institute – ayaa ka soo goostay oo iska soo dhiibay dalka Eritrea.

Askartan ayaa markay soo galeen Eritrea bayaan ay soo saareen ku sheegay inay wacad ku mareen inay dalka Itobiya ka xoreynayaan kooxda Wayaanaha ah ee xooga ku haysta iyo cadaadiska iyo cabudhinta.

Wariyayaasha arintan soo tabiyay ayaa sheegay in aanay ahayn markii ugu horeysay ee ciidan sooc ah ay ka soo goostaan Itobiya oy iska soo dhiibaan Eritrea. Waxaa ka horeysay midan 8eed duuliyayaal ah oo dalka Isreal lagu tababarayay oo safaaradda Eritrea ay ku leedahay dalkaa iska dhiibay. Sidoo kale ayay 2006dii ciidan kor u dhaafay 300 uu ku jiro Jeneraal Kemal Gelchu iyo Korneylo la socday ay iska so dhiibeen Eritrea. Tan iyo waagaana waxaa kolba soo goosanayay askar iyo saraakiil oo ku soo biirayay mucaaradka hubaysan ee ka soo horjeeda kooxda TPLF.

Waxaa xdka u dhexeeya labada dal ku teedsan xeryo ay ku xareysan yihiin dhalinyaro ka soo carartay cadaadiska kooxda Wayaanaha oo lagu tababaro halkaa.

Akhri.

ONA.

 
 

1 Comment

  1. ahmed says:

    way dhici karta in ciidan goosto,laakiin eretria lafteeda ayaan kheyr oolline maxaa xal ah kkkkkk

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay