Dagaalkan oo dhacay 1995 waxay qaybtii kobaad sheekadu inoo maraysay Tobankii N/hure ee kantaroolka joogay oo laba Baabuur oo saraakiil Tigree ah saaranyihiin baabiyay, Ciidankii Tigreega oo goobtii ku mashaqaysan iyo Annaga oo dhaawacii intii darrayd habaynnay intannadii soo hadhayna aan isdiyaarinnay.

Tobankii N/hure ee dagaalka ka billawday kantaroolka waxaa kaga dhaawacmay hal N/hure Dagaalkii labaad ee ay ku soo rogaal celiyeen, waxayna ku guulaysteen inay dhaawacoodii ula baxaan dhanka galbeed, Tigreegii oo wayraxsan waxay billaabeen fagaag iyo raadgoob bari iyo galbeed ah, Xeradii dhaawaca een saaka ka guuray bay yimaadeen, dhanka kale Tobankii N/hure oo mid dhaawac yahay bay raadkoodii heleen, markasta oy raad qaadaan Rag cimilgal iyo Raacdoreeb ah baa waabinayay khasaarana u gaysanayay.

Xagga bariga annaga oo ka xigna Waddada dagaalku ka dhacay waardiyana iska haynna ayaannu qiimaynnay xaaladda aannu ku jirro, waxaanan isu qaybinnay Laba; Aniga iyo Afar N/hure Waxaa nalagu aadiyay inaan u digno Xaruntii, inaan meel ku ogaanno dhaawacii, iyo inaan warmaqabto lagu helin hawl-wadeennada Jabhadda ee xarunta ku sii socota ama ka sii socota; Ilyaas iyo N/hureyaashii soo haydhayna waxaan u dirray inay Dagaalkan wax ka gabagabeeyaan iyo inay u gurmadaan Tobankan N/hure ee xabbaddu ku socoto, waxaanna kala qaadannay waxii baaq iyo afgarasho ah.

Wiilashii raacda reebta nooga yar danbeeyay oo labadan qaybood kala raaci lahaa waxaa ku soo kadiyay fadaldheer Tigree ah oo na soo raadqaadday, wiilasha oo tababar fiican u lahaa israadqaadka kana ilhorreeyay, Tigreega na raadinayay waxay ku hubsadeen seddexdii ugu horraysay, daryankii rasaasta iyo cabaadkoodii iyo Wiilashannadii oo badqaba oo nala soo istaagay ka dib waxaan ka baxnay goobtaas sidii qorshahannagii hore ahaana waannu ku kala anbabaxnay.

Dhan kasta Balliga gurracan waxaan ka maqlaynnay rasaas teelteel ah mararka qaarna xoog yeelanaysa, Ilyaas iyo kooxdiisii dawr jeer bay iska hor yomaadeen Tigreegii; Aniga iyo kooxdii ila socotay waannu isa sii qaybinnay, Seddex N/hure waxaan u dhiibay daawadii buktada waxaanan u xilsaaray inay raadiyaan buktadii darrayd een saaka xasaynay jal iyo daawana la gaadhaan, Aniga oo lammaanna waxaan toos u aaday xaruntii oon ku ogaa meel aan aad nooga fogayn.

Ciidanka Tigreegu waxay ahaayeen saraakiil isu haystay  xeeldheerayaal waxayse la kulmeen dharbaaxooyin adadag, Janeraalkii Abbaanduulaha Ethiopia iyo dhawr Sarkaal waxay ku dhinteen Rasaatii u horaysay, dagaallo badan oo goosgoos ahaana saraakiil badan baa kaga dhintay, waxaana qasab ku noqotay inay fagaagga joojiyaan, waxayna isku uruursadeen goobtii baabuurtu hoganaysay ee weerarkii u horreeyay ku qabsaday; Baabuurtii gaddoontay way toosiyeen waxayna ku daba xidheen kuwo fayaw maydkii iyo dhaawaciina way rarteen.

Waxay uruuriyeen Dadkii Baraagaha joogay iyo kuwii u soo arooray, waxayna halkaa ku dileen laba nin oo shacab ah; qiyaastii 11:00 aroornimo. Waxay ka war heleen in Ciidan Ilyaas wato uu fadhiyo waddada u baxda Gurdummi. Ilyaas iyo kooxdiisii markaa waxay is heleen Tobankii N/hure waxayna isku diyaariyeen waddada u baxda Awaare iyo soo dhaqaaqooda. Tigreega waxay istuseen inayna horay u sii socon karin waxayna dib ugu laabteen harta DIG waxayna halkaa ka abbaareen Bullaale iyo Dhagaxbuur.

Baabuurtii Tigreega oo dhaawac iyo mayd badan wata, markay dhaafeen Bullaale Casar gaabanna ay tahay meel aan Dhagaxbuur ka fogayn oo faraqo (laago) ku badan yihiin, waxaa fidhada iyo guuxa baabuurta ku soo yaacay N/hurayaal ka tirsan aagga Jarareed oo moodayay Baabur shicib; markii la isku argagaxay waxaa si miidaan la’aan ah laysu waydaarsaday rasaas; Baabuurtu ma aynan hakinnin orodkoodii; baxsadkii waxaa gabi ka duulay oo gaddoomay Baabuur  Ural ah oo jiidanya Baabuur qabaal ah oo aroortii hore ku burburay Gurracan, labadan baabuur ee iswatay waxay hoosta marsadeen oy ku seexdeen in badan oo ka mid ah Ciidankii saarnaa, Baabuurtii kale wax u istaagay ama ku soo laabtay ma jirin, N/hurayaashii JWXO iyaga oo bad qaba bay ka tageen gobtaas, Ciidankii Baabuurtu la gaddoontayna intii ka noolayd habeenkii oo dhan qaylo iyo cabaad afka iskuma aynan qabannin wax u soo gurmadayna ma jirin.

Ciidamadii Baabuutu la gaddoontay oo badankood wax dhintay iyo wax dhaawacmay noqday Waxaa maalintii labaad barqadii looga soo gurmaday Dhagaxbuur, waxaana raqdoodii loo daabulay Harar.

Dagaalkan taariikhda galay ee la magac baxay Qandha-Jabiye N/hurayaash ka qaybqaatay kuma ayna talagalin dagaal, qalab iyo tiro ahaanna aad bay uga hooseeyeen Ciidanka ay la dagaallameen, khasaaraha soo gaadhayna aad buu u yaraa, dhanka Tigreega waxaa dagaalka ka qayb qaatay saraakiishii hoggaaminaysay Ciidamadooda, qalab iyo Tirana aad bay nooga badnaayeen, guud ahaan khasaarihii ka soo gaadhay Ololihii seddexgeeska cas ee socday dhawrka bilood waxaa ka cuslaa khasaaraha dagaalkan Qandhajabiye ka soo gaadhay. Dagaalkan waxuu wax ka bedelay Ololihii millatari iyo qorshihii ay JWXO kula dagaalamayeen.

Maxamed-rashid sh. Cabdullaahi.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay