Magaalada Melbourn ee cariga Australia ayaa waxaa ka furmay 28 -30 March 2013 shir aad u balaadhan oo ay isugu yimaadeen Muslimiinta wadankaasi. Shirkaas waxaa lagu soo casuumay oo qeyb weyn kaqaatay Haayada  ogaden Mother and Child Relief.

Kulankaas balaadhan oo ay isugu yimaadeen dad gaadhaya 400 oo qof oo kamid ah muslimiinta Australia ayaa lagusoo bandhigay dhibaatada heysata haweenka iyo caruurta somalida Ogadeniya ee kasoo gaadha daggaalada iyo tacadiyada ay ku hayaan gumeysiga Ethiopia.

Waxaana goobtaas lagusoo bandhigay sawiraan muujinaya kufsiga, dilka, dhaca, jidh dilka loo geysto shacabka Ogadeniya gaar ahaan haweenka iyo caruurta Ogadeniya.

Waxaa qeyb libaaxleh ka qaatay ururka OYSU melbourn oo la shaqeynayay haayada “ogaden Mother and Child Relief”

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay