Wararka naga soo gadhaya magalada dhagaxbuur ayaa shegaya in shalay uu Gadhi nooca loo yaqaano Uraalka  ee ay ciidamada Gumaysigu Itoobiya adeegsadaan  ku jiidhay  islaan waayeel ah oo lagu magacaabo Maryama Cabdulahi Bayle magaladaasi.

Warkan ayaa wax noo xaqiijiyay ehelada Maryama Cabdulahi oo ku sugan gudaha iyo dibada dalka.

Ma ahan markii ugu horaysay ee dhacdan oo kale ay ku kacaan ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee Ogadenia u jooga dhaca iyo dilka arxan darada ah.

Ciidamada gumaysiga iyo maleesiyada Hawaarinta (Liyu Policeka) ayaa waxaa looga bartay inay dadka shacabka ah ee aan iska difaaci karin ula dhaqamaan si waxashnimo ah ayagoon u kala aaba yeelin  Waayeel, Ciyaal iyo Dhalinyara toona, ayagoo u laaya siyaabo kala duwan sida Dilka ,Kufsiga, Dhaca iyo wmm.

SWEDEN ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay