Wararka naga soo gaadhaya Ogaadeeniya gaar ahaan Xarunt Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo ka dhacay deegaano kamid ah dalka Ogaadeeniya ee ay Ethiopia gumaysato.

Dagaalada ka socda Ogadenya oo maalin joog ah oo meela kala duwan ku dhex mara askarta gumaysiga Ethiopia iyo NH/CWXO ayaa kuwii ugu dambeeyay een helnay warbixinadooda u dhacay sidan;

22/03/2013 Karin-barkhadle oo Sagag udhow ayuu gumaysiga isugu keenay maxaysatada loo yaqaano hawaarinta halkaasoo ay dhibaatooyin u gaysteen dadkii shacabka ahaa. Waxaa weerar ku qaaday cutub katirsan NH/CWXO goobtii waxaana lagaga dilay 4 Askari halka dhaawacay 5kale iyadoo intii soo hadhayna ay jaanta wadheen

18/03/2013 Dagaal xooga oo ka dhacya Dhanqa oo Fiiq udhow ayaa waxaa Askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 8 Askari waxaana lagaga dhaawcay 5 kale

27,20 iyo 17/03/2013  Waxaa dagaalo isugu jira Mir iyo dagaal fool kafool ah ay ka dhaceen Deegaanada kala ah Walaal-goo iyo Elele oo Dhanaan kawada tirsan iyo magaalada Garbo waxaana dagaaladaasi askarta gumaysiga Ethiopia ka soo gaadhay khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac aan faafaahintooda weli ku daba joogno.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay