War iyo sawiro hordhac ah oo naga soo gaadhay goobta uu shirka ka furmay ayaa naloogu sheegay inuu si habsami ah uga bilowday hall-kii loogu talagalay shirweynihii Jaaliyadaha Dalka Australia iyo Pacific-ga. Shirkan oo qiimi gaar ah ugu fadhiya jaaliyadaha halkaa isugu yimid ayay kaga arinsanayaan ajendooyin aad xasaasi u ah oo quseeya halganka iyo horumarinta doorka jaaliyadaha Pacific-ga kaga aadan taageerada halganka.

Shirkan ayaa waxaa gudoominaya Ku-Xigeenka Gudoomiyaha Jabahdda Wadaniga Xoreynta Ogadenya N/hure M. ismaaciil Cumar oy ku wehliyaan xubno G/dhexe ah iyo madaxda jaaliyadaha.

Shirkan oo laga filayo inay ka soo baxaan go’aano wax ku ool ah ayaad kala socon doontaan warbaahinta kolba heerka uu marayo.


ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay