Iyadoo lagu jiro xilli roobaadkii Guga walina ay roobabku si lixaadle uga Da’ayaan dalka Ogaadeeniya ayaa waxaa laga soo sheegayaa deegaanada qaar kood khasaare hantiyeed oo ay roobabku gaysteen

26/03/2013 Deegaanka lagu magacaabo Suubaan-balal oo Godey udhow wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in nin lagu magacaabo Macalin Cabdi Aw-siyaad xoolo  uu lahaa ay daadadkii roobku halkaasi kula tageen
Xoolaha ay daadku la tageen ayaa naloogu sheegay inay dhanyihiin 30 Neef oo Adhi ah iyo 3 Neef oo Geela oo uu lahaan Macalin Cabdi
Isla 26/03/2013 Laagta Gila oo Godey udhow ayaa iyaduna waxa ay qaaday xoolo aad ubadan oo aan wali helin tiradooda
25/03/2013 Deegaanka isna lagu magacaabo Marta wabi-ba’ay  oo ah laag aad uwayn oo Garbo katirsan ayaa lagu soo waramayaa in iyana ay daadka roobku qaadeen illaa saddex Adhi oo reero  ka foofay  oo aan illaa hadda waxba laga hayn Adhyahaasi
ONA
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay