Ereyga dabaqoodhi ayaa baryahan dambe noqotay mid aan xad lahayn, oo sidii la doono loo istimaalo (misused and abused). Waxaa jira shaqsiyaad farabadan oo aan garaneyn cidda loo isticmaalo ama qofka dabaqoodhiga ah. Mararka qaarkoodna kan isticmaalaya iyo kan loo isticmaalayo aysan waxba isdhaamin ama aysan garaneyn sababta uu midi u isticmaalay, midka kalena loogu isticmaalay.  Tusaale ahaan ka warran hadaad shaqsi aan dhakhtar ahyn, dhakhtar ugu yeedho? Ama qof aan tuug ahayn, tuug ugu yeedho? Waa dhibaato laga yaabo inay keentay faham-darro. Si marka aan u kala saaro dhabaqoodhiga iyo dadka kale waa inaan isla fahannaa macnaha ereygan iyo adeegsigiisa.

Marka kowaad haddan dib u fiirinno taariikhda, eregani ma’aha mid cusub, oo wuu jiray inta uu gumeysi ka jiray dhulka Ogadenia. Lakiin waxuu soo shaac baxay horaantii 2001-2002 wakhtigaa oo uu abwaanka weyn ee Soomaaliyeed Maxamud Cabdilaahi Ciise “Sangub” uu bilaabay riwayaad halgameedka Ogadenia ee qurbaha. Hase ahaatee wuxuu isticmaalkeedu si aad ah u bilowday amaba qurbaha ku batay laga soo bilaabo 2006dii. Xiligaas oo gumeysiga Itobiya dagaalkii halganka dibadda usoo raray kadib markii ay guul darro weyni kasoo gaadhay gudaha Ogadenia iyo ciidamada Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadenia. Sidoo kalena uu shacabkii dibadda usoo baxay bilaabay inuu adduun weynaha gaadhisiiyo dhibaatada uu gumaysiga Itobiya ku hayo shacabka Ogadenia.

Haddaba haddaan af-Soomaali ku micneyno (ninbaa odhan jiray kala jarjar xarafka oo gawska dambe ka dhadhami) oon kala jarno, Dabo iyo qoodhi.  Qoodh waa qurux taasoo ka dhigan shaqsi qurxiyey shaqsi kale ama daba istaagay. Luuqadda English ka waa “Collaborator” oo ka dhigan shaqsi go’aansaday inuu maalmuruq iyo maskax ku biiriyo ama ku taakuleeyo cadawga ummadiisa (gumeyste). Isla markaana natiijadiisu ay hakad ama dhibaato ku keento halganka ummadda Soomaalida Ogadenia.

Noocyada dabaqoodhiga (Types of Collaborators)

Dabaqoodhigu wuu noocya badan yahay, iyaga oo kasiman sababta ay gumeysiga ugu adeegayaan ayey haddana ku kala duwan yihiin astaamaha iyo waliba qaabka ay gumeysiga ugu adeegaan.

Maal (hanti)

Qolyahani waxay doorbideen iney maalkooda ku taakuleeyaan gumeysiga, iyaga oo dana gaar ah kale. Inta badan shaqsiyaadkan waa xukun, maal ama magac raadis, iimaanka ayey la’ayahiin oo waxay isleeyahiin maalkan maal kale ha’idiin dhalo. Sidii ay Jigjiga, Nairobi iyo Dubai uga ganacsan lahaayeen ayey ku fakiraan oo kali ah, ummad iyo maato dan kama laha. Marka udambeysana isla gumeysigaa ayaa hantidooda afka ku shubta sidaa unbeyna fakhri ku noqdaan.

Tusaale: Waxaad arkeysaa Sheikh hanti fara badan leh, oo kharashka hotel (da), shirarka, iyo socdaalka gumeysiga iyo gumeysi kalkaalka bixinaya. Caruurta reer Ogadenia (na) ay xeryaha qoxootiga ama gudaha Ogadenia ay ku silicsan yihiin. Waxaa suurta gal ah inuusan zako kabixin balse uu Zenawi ugu deeqo (subxaanalaha).

Xagey Joogaan: Shaqsiyaadkan waxay u badan yihiin Africa iyo Carabaha. Waxaa kale oo laga helaa in kastoo aysan u badneyn London, Minneapolis iyo Melbourne.

Muruq (Xoog)

Qolyahani waxay iyagu gumeysiga ku taakuleeyaan muruqooda, inta badan waa dhadhama raac. Waxay u badan yihiin jaahiliin ama dad aan cilmi saas iyo cibaaro toona lahayn. Waxay yaqaanaan oo kali ah sida wax loo jaajuuso, wax loo khiyaano, wax loo dhaco, wax loo dilo. Waxay ku shaqeeyaan been iyo propoganda.

Tusaale: Waxaad arkeysaa shaqsiyaad intey uruuriyaan malitia la dagaalamaya kuwa gumeysiga diidka ah, doorbidayna iney xabbadda isku dhigaan.

Xagey Joogaan: Shaqsiyaadkan waxay u badan yihiin Geeska Africa gaar ahaan Ogadenia iyo Kenya.

Maskax (Cilmi)

Qolyahan waxbarashadooda ama cilmigoodu wuxuu u dhexeeyaa dugsi dhexe ilaa iyo heer jaamacadeed diini ama maadi. Inta badan waxay isugu yeedhan caaqiliin ama “Intellectuals” “Stakeholders” iyo wax la mid ah (Nasiib darro gabdhaha yar yar ee adhiga Ogadenia ku raaca ayaa ka aqli badan saa waxayba garanayaan macnaha gumeysi). Waxay cilmigooda ugu adeegaan gumeysiga, iyaga oo mar walba qora qoraalo ama maqaalo lagu dacaayadeynayo halganka. Waxaa loo isticmaalaa propaganda iyo in lagu bahdilo halganka. Halkudhigyada ay caanka ku yihiin waxaa ka mid ah “aduunku wuu isbadalay”, “100 sano ayaa la soo dagaalamaayey”,”Qori intaan iska deyno aan qalin wax ku raadsanno”,”Annaga unbaa isdileyna” iyo qaar kaloo badan. Waxay aad ugu faanaan aqoontooda, nasiib darro awood umalaha iney shacabka Ogadenia kunool ee 90% aqoon la’aanta ah uga faa’iideeyaan kumana dhacaan (Aqoon lagu khasaarey iga dheh saa jaahiliinta Ogadenia jooga ayaaba farta ugu yeedha oo cilmigooda ay la hoostageen). Waxaa kaloo ay caan ku yihiin hoos udhigidda aqoonta madaxda ONLF iyaga oo ku tilmaama jaahiilin.

Haddaad dib u raacdo sababta ugu weyn ee qolyahani halganka uga soo horjeedaan ayaa ah isla weyni ku jirta iyo jecleysi in labuunbuuniyo oo meelaha laga sheeg sheego. In la tuso in loo baahan yahay, marka j’u loo dhihi waayeyna ay meelaha fadhi kudirika ka caytamaan.
Waxaa aad iiga fajiciyey qaar ka mid ah qolyahan oo iyaga oo da’yar laga qixiyey Ogadenia, kabidna Somalia ku barbaaray, schoola uga baxay. Dawladda heer sare ka gaadhay, qaarna dibadaha loo soo dhoofiyey oo heer jaamacadeed ku gaadhay, laakiin nasiib darro muddadaa aan dib u soo fiirin dhulkoodii. Maantana ku faanaya Itobiyannimo iyaga oo iloobay xanuunkii Itobiya iyo abaalkii ummadda Soomaaliyeed. Waxaa hubaal ah haddii maanta halganka lagu wareejiyo kuwan oo la yidhaahdo wada, ineysan talaabo qaadi karin, waayo waxaysanba xajisan karin tareenka halganka intey mukhaadaraad, maandooriyaal iyo qashin kale raadinayaan ayaaba laga tagi.

Xagey Joogaan: Shaqsiyaadkan waxay u badan yihiin waddamada reer galbeedka.

Tallo: Wakhti yuusan kaaga lumin kuwan, odhaah ayaa ahayd “Education makes the wise wiser and the fool more foolish”oo ka dhigan aqoontu ninka caqliga leh caaqil ayey ka dhigtaa, ka doqonka ahse weysii doqomeysaa.

Iskanoole
Qolyahani malaha saddexda astaamood een kor kusoo xusnay (Maal, Muruq iyo Maskax) waxayna afka ka taageeraan gumeysiga. Waxay ubadan yihiin dad aan waxba qabsan karin, ama tacliin la’aan ha heyso ama tabar la’aani; intooda badan noloshooda qof kale ayaa gacanta ku haya. Saaka salaadii ayaa mukhaayad tayar ama kayar la dhihi kusii tuur, saq’ dhexana waa laga soo tuuri. Reerkiisa xitaa war kama ha’yo, caruurtii oo school ku maqan ayuu subaxdii soo toosi, iyagoo hurdana wuu soo dheelman.

Intooda badan qabyaaladda ayey aad ugu dheereeyaan, si loogu arko iney yihiin rag balaayo ah ayey waxay ka agdhawadaan mid reerkooda ah oo ka mid ah kuwa aan kor kusoo sheegnay (caaqil). Dabeetana mukhaayadaha ayaa hadh iyo habeen halganka laga dacaayadeeyaa.

Xagey Joogaan: Qolyahan waxay u badan yihiin waddamada reer galbeedka.

Tallo: Wakhti yuusan kaaga lumin kuwan

Mucaarad

Qolyahan iyagu waxay isku sheegaan mucaarad, waxay ku odhan annagu Itobiya ma taageerno oo gumeyiga waan necebnahay balse halganka wax hallaga baddalo. Inta badan waxay ku mashquulaan madaxda ONLF siiba guddoomiyaha (Allaha dhowree) Admiral Maxamed Cumar Cismaan. Xogtoodu aad ayey u yartahay, waxayna caan ku yihiin halkudhigyada “Muxuu ninkani meesha isaga heystaa”,”Maa doorasho laqabto”,”We need change”,”Magaca haddii dhulka Ogaden laga baddali lahaa waan taareeri lahayn”,”ONLF hal qabiil ayaa iska heysta”,”Lacagta qaaraanka hadaan bixiyo yaa o’g iney meeshii loogu talagay tagi iyo in kale”.

Qolyahan qabyaaladda ayaa aad ugu dheeraatay, ama tu qabiil ha’ahaato ama tu laf hoose ha’ahaatee. Waa xukun raadis, waxay tallada ama hogganka la jecel yihiin reerkooda, waxayna mucaaradaan cid alla ciddii aan reerkooda ahayn.

Waa eed ujoog, waxay jecel yihiin iney wax eedeeyaan waxayna farta ku fiiqaan wixii khaldan oo kali ah. Waxay u joogaan iney wax dumiyaan, ujeedadooduna waa yaan la idin dhihin wax qabta. Sidaa daraadeed waligood xal loo heli maayo.

Xagey Joogaan: Qolyahan waxay u badan yihiin waddamada reer galbeedka iyo geeska Africa.

Tallo: Wakhti yuusan kaaga lumin kuwan

 Gabagabo

Waxaan filayaa in astaamahaa kor ku xusan ay noqdaan kuwa inahaga oo inoo kala sooca shaqsiyaadka halganka dhibka ku haya iyo kuwa aan habooneyn in wakhti lagu lumiyo. Waxaana rajeynayaa iney inaga caawiso ineynaa cadawsan kuwa aan halganka dhib ku heyn.

Wabilaahi Towfiiq!

By Abdirahman Hollywood

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay