Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya (ONLF) waxay si aad ah u cambareynayaan dilkii fulaynimada ahaa ee loogu gaystay magaalada nairobi dhexdeeda Mudane Cabdiraxman Cabdulaahi Muxumad -Sayid- oo ahaa xubin Gole Dhexe. Dilkan oo dhacay habeenkii ay bishu ahayd 19ka June 2011 waxaa ka dambeeyay oo falkaa ka dhex fuliyay magaalada Nairobi dhexdeeda sirdoonka Itobiya oo dhowr xabadood ku dhuftay halyaygaa isagoo si nabadgalya ah u dhex socda magaalada. Dambiilayaashii falkaa gaysta ayaan weli la qaban oo dhex mushaaxaya magaalada iyagoo hubaysan.

Dilkan fulaynimada ah ee shaqsi aan hubaysnayn loogu gaystay waddan xor ah oo nabdoon oon ahayn goob dagaal, waxay muujinaysaa sida aanay Itobiya u tixgalinaynin xeerarka caalamiga ah iyo qaranimada dalalka dariska ah.

Golaha dhex ee Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya iyo Taliska CWXO waxay dadweynaha Ogadenya uga tacsiyaynayaan geerida naxdinta leh ee Shihiid Cabdi Cabdulaahi. Wuxuu ahaa shaqsi leh aragti halyaynimo oo geesi ah oo wadani ah oo qayb weyn ka soo qaatay halganka shacabka S.Ogadenya uu ugu jiro hanashada aayahooda iyo inay gaaraan madax banaani, horumar iyo dimoqraadiyad dhab ah.

Sharaf aduun iyo mid aakhiraba shuhadadaa iska leh.

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya.

 
 

17 Comments

  1. birqod boy says:

    inaa lilaahi wa ina ilaahy raajacuun ? waxaan utacsiyadaynaynaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday iyo dhamaan umada reer ogaadeeniya halgamaaga qaranka ogadenia ale ha unaxariisteee cabdi cabdi cabdulaahi ilahayna janadii fardaow sa ahad hakawaraabiyo gaar ahaan waxaan utacsiyadaynayaa dhamaan dadwaynahay magaalada birqod oo runtii naxdin lama filaan ah kunoqotay geerida halyayga inshaa alaah waanu u aargudi halyayga waxaana kulatalin lahaa dhamaan jahliyaad ka reer ogadenia in aydigtoonaadaan siedoonka itoobiya ma aha nin xabashi ah ama nintigree ah ee waa dadsomali ah ood ogtihiin waana uwslf ee dadka ogadenia waa in ay ogaadaan arantaa ilahayna ha unaxariisto janadii fordawsana ale hakawaraabiyo anaga iyo eheladii uukabaxay samir iyo iimaan ale hanag siiyo

  2. tasawe says:

    inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicun waxan tacsi udirayaa eheladi iyo qaraabadii iyo dhaman umada s.reer ogadenia waxana leeyahay samir iyo iiman iyo badal khayr qaba insha allah waxana illahay uga baryayaa in uu kawaraabiyo janatu firdowsa wuxu ahaa geesi, halgamaa, muumin ehlu diin ah iyo wadani meel wayn kagalay taarikhda ogadenia waxana balan kumarayaa inaan u aari doono waxana jogaa goobta lagudilay halyeyga

  3. tacsi naxdine
    INAALI LAAHI WA INAAILAYHI RAAJUCUUN
    waxan tacsi udirayaa dhamaan umada somalida ogadenia gaar ahaan ciidanka qalabka sida golaha dhexe iyo dhamaan umada xornimada jecel iyo caruurtii xaaskii ehelkii uu kabaxay halgame mujaahid shiid cabdi cabdu laahi

    waxaan ugu baaqayaa dhamaaan umada somalida ogaadeenia gaar ahaan ciidanka qalabka sida golaha dhexe jaaliyadaha in dagdag loogu aaro shihhdka
    geridu waxay dhibaysaa nin kii nabada qaatay waxaa uu oofiyay shihiidku balantii uu ilahay lagalay anaguna waan u aaraynaa
    waa in timihiisu inta ay ahaayeen loogu soo aaraa

    dag dag

  4. faysal says:

    inaa liaalihi wa inaa lilahirajucuun ,,,,illahay waxan ugabaryaynaa maraxun ka dhintay illahay in uu janafaradawso kawarabiyo

  5. faysal says:

    Inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun. Runtii waa geeri xanuun badan oo aan ka damqaday, waxaana aan ilaahay oga baryayaa inuu ka waraabsho naxariistiisa, Ehelka iyo qaraba iyo umada reer ogadenia Samir iyo imaan ha ka siiyo abdi abdulahi sayid waxaa dishay gacan cadaw waxaana aan aan rajaynayaa in aan aan u argudi dono oo cadawgiidilay gacanta lagudhigo

  6. guulwade says:

    halgamaa SAYID CABDI CABDULAHI wuxu ahaa halgamaa heer ogadenia diyaarna uahaa in uu shihidoo kunaa talaa hadanaa wuu gadhaay qasad kisi uu rabay lakin geridu waxay dhibtaa ninka aan diyaar uu ahayn anaa kuna kuwaa geridaa kanaxaa maa nihiin gabdhahanaa kunaa asaydaa diyaar ayaay uu yihin lakin wale raag badan ayaa manataa mayd dadka dheex socdaa ah

  7. INNAA LILLAAHI WA INNA ILAYHI RAAJICUUN,
    dhamaan umadda reer ogaadeeniya gaar ahaan CWXO waxaan tacsi tiiraanyo iyo murugo leh uga tacsiyaynayaa halayayga naga baxay, n/hure Cabdi Cabdullaahi.
    allaah waxaan ka baryaynaa shahiidka inuu ka aqbalo shahaadada, kuna manaysto jannada Firdawsa, ilaahay waxaan ka baryaynaa ummadda reer Ogaadeeniya samir iyo iimaan buuxa inuu ka siiyo halyayga ka baxay, badal khayr ahna ka siiyo.

    إنا لله وإنا إليه راجعون
    إن لله ما أخذ وله ما أعطى….. لنصبر ولنحتسب……..اللهم اخلفنا في مصيبتنا بخير

  8. inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun walaala yaal geeridu waa xaq waxaan tacsi tiraanyo leh hawada umarin hayaa shacabka s/ogadenia dilka fulaynimada leh ee loo gaystay cabdi cabdullaahi sayid ilaahay haunaxariistee in shaa allaah isaguna waa shahiiday ilayna waxa uu yiri walaa taquuluu liman yuqtalu fii sabiililaah amwaataa ba axyaa un wa laakin laa tashcuruun walaalkeen cabdi waa shahiiday taasina waa tuu utaagnaa imaa shahaado wa imaa xoriyad

  9. gundiid123 says:

    اناللـــه وانا اله راجعــون

    ( كل نفس دائقة الموت)
    WAXAAN HALKAN TACSI UGA DIRAYAA DHAMAAN EHELKII IYO QARAABADII IYO DHAMAAN SHACABKA XORIYAD DOONKA AH EE REER OGAADEENYA
    GEERIDII NAXDINTA LAHAYD EELAGU DILEY MUJAAHID CABDI CABDULAAHI SAYID.
    WAXAA KALE OON XUSUUSINAYAA KUWII DILAY IYO KUWA TAAGEERSAN LADUBA IN HALGANKA AAN KUJIRO IN AAN SII LABANLAABIDIINO WAXAA HUBAAL AH IN RAG BADAN OO GEESIYAAL AH LAGUWAAYAY DAGAALKAN KUWADANBANA LAGUWAAYIDOONO .BALSE WAXAAN USHEEGAYAA SHACABKA REER OGAADEENIYA IN AY GACMAHA ISQABSADAAN OO CADAWGEEDA MEEL UGA SOOJEEDSADAAN .
    WAAN GUULAYSANAYNAA INSHAA ALAAH.

  10. Hassan says:

    innaa lillaah wa innaa ilayhi raajicuun
    ilaah ha u naxariistu shihiidka, Jwxo-na waa la hubaa inay u aari si deg-dega waliba, in shaa allaah.

  11. jwxxo says:

    Inaa lilaahi wanaa ileehi raajuun allaah haka waraabiyo jatul fardowso waxa dilay gacan ka xaq daran umada ogadenyana sabar iyo iimaan Allaah ka siiyo waxa aan leenahay inta ay naf lagu jirto waanu adkayn balankii aan u qaadnay umada Ogadenya waxa aan leeyahay waxba ma yeeli kartaan halganka hubaysan ee s. ogadenya wajigiin ha gubtee dadkan u shaqaynaya gumaysiga waxa ka mid ninka sheegta in uu ahaa xuxigeenka gaanshaandhiga jamuuriyada somalia ayaa hada loo aanaynayaa in uu ka dambeeyey shirqoolka halgame cabdi cabdullaahi waxa aadna ogaataan wixii hada ka dambeeya in ayna noo kala sokaynin somaida iyo itobia wajigiin ha gubto waad mahadsatihiin

  12. Yucubboy says:

    ASALAAMU CALAYKUM
    INAA LILAAHI WAA INAA ILAYHI RAAJICUUN. GEERI NAXDIN LEH! ILAAHI HA U NAXARISTO MUJAAHID, HALGAMAA, HALYEEY, ABDI ABDULLAHI SAYID, AAMIIN AAMIIN AAMIIN. WAA IN AAN U AARNO SI DEGDEG AH! HADAAN LO AARIN MIYAA LO OOYI! HALGANKU WU SOCONAYAA! DALKAAN WU XOROOBAYAA INSHA ALLAAHU. FULAYGA BAY GEERIDU LA WEYNE TAHAY! TAALO BAA LO DHISEY ABDI ABDULLAHI SAYID INSHA ALLAAHU.

  13. dhanaan says:

    inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun walaala yaal geeridu waa xaq waxaan tacsi tiraanyo leh hawada umarin hayaa shacabka s/ogadenia dilka fulaynimada leh ee loo gaystay cabdi cabdullaahi sayid ilaahay haunaxariistee in shaa allaah isaguna waa shahiiday ilayna waxa uu yiri walaa taquuluu liman yuqtalu fii sabiililaah amwaataa ba axyaa un wa laakin laa tashcuruun walaalkeen cabdi waa shahiiday taasina waa tuu utaagnaa imaa shahaado wa imaa xoriyad

  14. wadani says:

    innallillaahi wa’ nnaa’ ileyhi rajicuun.
    waxaan katacsiyaynayaa geeridii shirqoolka ahayd ee mujaahid cabdi cabdullahi loogaystay. waxaana utacsiyaynayaa dhamaan umada reer ogadenya ee ‘uu marxuumku kabaxay waxaana leehay samir iyo iimaan marxuumkana naxariistii jano allah hakawaraabiyo aamiin . intaas kadib
    waxaan usheegayaa o.n.l.f. inayna ninkaas dilin sirdoon ethiopian ihi balse aydileen nimankii diinta iyo dadkaba kabaxay ee u.w.s.l.f
    iyagana waxaan kuleehay kuwa dhuumanaye dhabarkoodu muuqdow waydin dheehanaynaa dhabaaxada wadanigana waad dhadhamindoontaan.

  15. muwaadin says:

    inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun waxaan tacsi ugadirahayaa halkan dhamaan shacab ka s,ogadenia iyo gaar ahaan ehelka uukatagay waxaa nan lee yahay ilaahay samir kaamil ah ha inaga siiyo isagana wuu shihiidaye janatl firdawsa ilaahay haka waraabiyo,

  16. wardheer says:

    inaa lilaahi wa inaa ileehi raajucuun waxa aan halkan uga tacsiyadaynayaa dhamaan umada OGADENYA halyeeygii geesiga ahaa ee cabdi cabdulaahi waxa aan leeyahay samir iyo iiman Allaah ha inaga wada siiyo waxa aana leeyahay dadka ka dambeeya dilka marxuum cabdi cabdullaahi taariikhda ayaad baal madow ka gasheen waxa aad tihiina waan idin ognahay hadaad ku gabanayseen xildhibaano somaliyeeed waxa maanta la ogaaday in aad tihiin jawaasiis wayaane taasna mid loo kala hadhaya ma aha waxa aan idiin sheegayaa cabdi cabdullaahi waxa uu ka tagay malaayiin asaga oo kale ah oo uu asagu uu ku soo ababiyey dhaqanka suuban ee islaanimada iyo wadaninimada marka in ayna idin iloobaynin ogaada way is garanayaan dadka aan la hadlayo anoon magac dhabin

  17. zakariye says:

    ilaahay ha unaxariisto muwaadinka intii dilkiisa kadan baysayna ilahay calaamo ha muujiyo amiin

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay